Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay si xoogan u cambaaraynasaa xukunka Maxkamaddu saaka ku ridday labada weriye ee Maxamed Cabdi Sheekh Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed Xuseen.

23/05/2022, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si xoogan u cambaaraynasaa xukunka saaka Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ku riddey labada wariye ee Maxamed Cabdi Sheekh Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed Xuseen oo midkiiba ay ku xukuntay halsano iyo afar bilood oo xadhig ciqaabeed ah.

Xaruntu waxay aad u cambaaraynasaa xukunka weriyaashaas ku dhacay oo ah mid sharciga baal marsan. Eedaha labadan weriye loo haystey ayaa ahaa qaran dumisnimo iyo faafin warar been abuur ah sida ku xusan qodobada 215 iyo 328 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Xeerka Ciqaabta guud oo ah xeerka ay maanta Maxkamaddu ku xukuntay weriyayaasha ayaa ah mid aad u khilaafsan dastuurka dalka, xeerka saxaafada Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka kuwaas oo sitoos ah u damaanad qaadaya xuquuqaha warbaahinta madaxa-baani leedahay.

Xaruntu waxay sidoo kale walaac ka muujinaysa cabudhinta dowladda Somaliland ku hayso warbaahinta madaxa-bannaan talaabadaas oo lid ku ah xeerarka dalka.

Dastuurka Somaliland qodobka 32 (3) waxa uu sheegayaa” saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xoriyaadka asaasigaa ee ra’yi dhiibashada, waxayna lee yihiin madax-bannaanidooda; way reeban tahay talaabo kasta oo lagu cabudhinayo; howshoodana xeer baa nidaaminaya’’.

Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale reebayaa in qofka xoriyadiisa si aan sharci ahayn looga qaado. Sida ku cad qodobka. 25 (1) ee dastuurka Somaliland “qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu banayn”

Ugu danbayn xaruntu waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqaysa inay xoriyadooda si dhakhso ah ugu soo celiso labada weriye ee Maxamed Cabdi Sheekh Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed Xuseen, is la markaana joojiso cabudhinta warbaahinta madaxa- bannaan, xaqdhowrtana dastuurka dalka, xeerka saxaafada iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyahay Xarunta Xuquuqal Insaanka