Warsaxaafadeed ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ 14/04/2022 ​ ​

 

Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa bannaan ee Somaliland, waxay si xoogan u cambaaraynaysa xadhiga iyo jidhdilka loo gaystey suxufiyiin tiro badan oo shalay lagu xidhay magaalada Hargeisa xili ay ka war bixinayeen dhacdadii shalay ka dhacday jeelka weyn ee Hargeisa.​

13/4/2022, waxa booliska Somaliland xidheen 12 weriye oo ka kala howl gala warbaaxinta madaxa bannaan ee dalka xili ay ku guddo jireen tebin toos ah oo la xidhiiday isku dhac u dhexeeyey maxaabiista jeelka weyn ee Hargaysa iyo ilaalada xabsiga. ​

Weriyayaashaas oo kale ah, Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) Oo ah gudoomiyaha MMTV, Xasan Saleebaan Haaruun (Xasan Galaydh) oo ka tirsan Idaacadda BBC, Axmed Maxamuud, oo katirsan SBTV, Caydaruus Maxamed, oo ka howlgala Goobjoog TV, Axmed Shimaali oo ka howl gala HCTV, Maxamed Faan, oo isna ka tirsan MMTV, Axmed Samraawi oo ka tirsan BTV, Khaalid Aleeli, Cabdijibaar Maxamed iyo Maxamed Suldaan oo iyaguna ka tirsan HCTV.​

Waxa sidoo kale shalay laxidhay Sagal Mustafe Xasan Nuur, oo ka tirsan VOA, iyo Niciima Cabdi oo iyana ka tirsan CARO EDEG MEDIA, labada hablood waa la sii daayay, waxase dhaawac soo gadhacay Niciima, waxa sidoo kale dhaawac madaxa ah qaba Axmed Shimaali.​

Xaruntu waxay walaac xoogan ka muujinaysa xadhiga suxufiyiintan oo ah mid khilaafsan dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. ​

Waxa kale oo walaacu yahay, in suxufiyiintan qaar ka mid ah ilaa hada aan lahaynin Meesha lagu xidhay ama la geeyayey.​

Qodobka 32 (1) ee dastuuka Somaliland waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu rayigiisa ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah ama qaabkale​

Sidoo kale Dastuurka Somaliland qodobka 27(4) waxa uu dhigaya “waxa reeban in qofka lagu xidho meel aan xeerku banneyn”.​

Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale dhigaya in aan qofka xoriyadiisa si aan sharci ahayn looga qaadi karin. Sida ku cad qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland “qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bannayn”.​

Arintani waxay xadgudub weyn ku tahay dastuurka iyo xeerarka dalka, Dastuurka Jamuuriyada Somaliland qodobkisa 24 (2) (3 ) waxa uu sheegaya“ qofku waxuu xaq u leeyahay in la nabadgaliyo jidhkiisa; ​ in waxyeelo loo geystaana way reeban tahay”.​

“ Qof kasta waxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo, sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed”.​

Xaruntu waxay walaac weyn ka qabta in tirro inta leeg oo weriyayaal uu xadhig ku dhaco iyagoo shaqadoodii ku gudo jira. ​

Ugu danbayn xarunta xuquuqal insaanku waxay ku baaqaysa in si dhaqso ah xoriyadooda loogu soo celiyo suxufiyiinta xidhan iyo in sidoo kale sharciga la horkeeno cidii jidhdil ka u gaysatay labada suxufi ee kale lana xaqdhowro xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniintaas iyo xeerarka ​ caalamiga ee xuquuqal iinsaanka.​

Yaasmiin Cumar ​ Xaaji Maxamuud​

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana​