Warsaxaafadeed 11/06/ 2022

Xarunta Xuquuqal Insaanku madaxa-bannaan ee Somaliland waxay cambaraynaysaa xadhiga jidhdilka, iyo dhaawaca dowladda Somaliland u geysatay dadkii bannaan baxa salmiga ah isugusoo baxay 9/6/2022.

Xarunta xuquuqal Insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland waxay sixoogan u cambaaraynaysaa xadhiga, dhaawaca iyo jidhdilka dowladda Somaliland ugeysatey xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dadweynihii mudaharaadka ka qaybqaadanayey 9/6/2022.

Dadka xadhiga iyo dhaawaca loo gaystey waxa kamid ah xildhibaano xasaanad leh. Waxa sidoo kale iyana laxidhay weriyaal ka howl gala warbaahinta madaxa- bannaan ee Somaliland.

Mudaharaadku waa xuquuq dastuuri ah sida uu damaanad qaadayo dastuurka Somaliland, qodobka 32 (2) ee dastuurku waxa uu dhigayaa “muwaadin kastaa wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.”

Xaruntu waxay aad uga walaacsan tahay sida ay xukuumadda Somaliland uga falcelisay iyo talaabadii ay qaaday oo ahayd mid baalmarsan dastuurka dalka. Xaruntu waxay werwer weyn ka qabtaa cabudhinta, iyo culayska ay muwaadiniintu xukuumadda Somaliland kala kulmaan markasta oo ay damcaan inay mudaharaad ama isusoobaxyo sameeyaan.

Waxa kale oo wax aad looga xumaado ah in intii mudaharaadku socday uu goob fagaare ah sarkaal dowladeed oo ah taliye kuxigeenka ciidamada RRU, laguna magacaabo Khadar Maxamuud Cabdilaahi Ibraahim, jidhdil ugu geystey Nimco Maxamed, oo ka mid ahayd dadkii mudaharaadayey. Waxa reeban in awood ciidan loo isticmaalo dad shacab ah oo aan hubaysnayn.

Xukuumadda Somaliland waxa waajib ka saaranyahay inay baadhitaan madax -bannaan ku samayso sharcigana horkeento sarkaalkaas jidhdilka geystay.

Ugu danbayn xaruntu waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqaysa inay xoriyadooda si dhakhso ah ugu soo celiso dhamaan dadkii mudaharaadka loo xidhxidhay isla markaana sharciga la horkeento sarkaalka ciidan ee jidhdilka geystay, joojisana cabudhinta oo ay xaqdhowrto xuquuqda muwaadiniinta.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyahay Xarunta Xuquuqal Insaanka