XASAN DHAMAC CAABI (XASAN KAYD) AHUN GEESI LAGU HIRTUU AHAA OO HALGANKII QAYB LIBAAX LEH KA QAATAY

Xasan Dhamac Caabbi, waxa uu dhashay ka dib calan qaadashaddii 1960kii, kaasi oo ay Somaliland ka hanatay boqortooyadda United Kingdom,hase ahaatee daleedda la dhigay. Xasan oo uu dhalay Dhamac Caabbi Cawad,waxa uu ka soo jeeddaa qoys balaadhan oo ah reer Caabbi Cawad Bahdoon,daga meelo badan oo kala duwan hanti ma guurta ahna ku lahaa mudo dheer sida Hargaysa,Xarshin iyo meelo kaleba awoowggii Caabbi Cawad waxa mar ahaa reer Qabritaharre mar kalena reer Awaare, haddana xuddun waxaa u noqotay Hargaysa in kastoo ay wali si xoogga u dagan yihiin Qudhac Raamaale iyo Xarshin waxaase ay badiba dagan yihiin Hargaysa, oo ay dhanka ganacsigga caan ku noqdeen aadna loogu bartay guud ahaan.

Xasan Dhamac Caabi oo xaqii ku helay arooryo hore Isniin bishii hore November 14 keedi kuna geeriyooday cisbitaalka guud ee Hargaysa,oo isaga oo uu jiifay mudo aan badnayn xanuun, laakiin ay timi tii Alle oo qofna aanu ogayn inta loo soo jiro xilli la qaban doono.Xasan Dhamac oo loo garan og yahay Xasan Kayd, ay yar yihiin dadka iga yaqaana amase iiga aqoon fog ka sokow wada dhalashadaydda, waxaanu ahayn laba qof oo sal iyo baar is yaqaan oo iska war qaba, haddiiba ay wada joogaan dalka waa intii ay Somaliland ka tirsanyd soomaaliya amase intii aan qurbaha ku noolaa oo aan wax badani isku kaaya seegaynayn waxaanan ku hubaa inuu ahaa geesi aan la loodin halgankii loo soo galay dalkan in dib loogu soo celiyo gobanimaddii uu sida doqoonimadda ah u lumiyayn, waxa uu ku lahaa qayb libaax oo waxa uu ahaa raggii ugu horreeyay ee tababarka ku soo qaatay Baabuli ka dibna qori caaraddii ku soo xero galiyay Maandeeqddaa sida sahalka ah loo soof daran habaabiyay ee rag aan lahayni maaleen.

Xasan Kayd Dhamac ayaan ka mid noqon inta haaneedisay hashii uu mar kale wax ka soo dhiciyay gaylankeeddiina ay ka soo gaadheen dakharo badan way yarayd inaanad ku arag dhaawac jirkiisa marka aad u fiirsato kuwaasi oo ka soo gaadhay hagardaamooyinkii SNM, la soo martay soo dhicinta gobanimadda aan kor ku soo xusay ee daleedda la dhigay.Xasan ayaan intii aanu hoyan bishan november 14keeddii ayaan waydiiyay inuu filayay in halgankii loo soo maray iyo gaylankii lagu guryo keenay Maandeeq bal inuu filayay inay sidan xaal maanta yahay ku danbayn doonto oo ay dibad joog ka ahaanayaan halgamayaal badan oo uu isaguna ka mid yahay, oo aan aan loo aqoonsan doonin tacabkii ay dalkan ka soo mareen iyo sida ay uga aradan yihiin, inta uu madaxa lulay ayuu si cod dabacsan igu yidhi “maya”, taasi waxa ay ku tusaysaa sida qayb ka mida soo halgamayaashii ay ula lumeen una galeen nolol raaxo leh intii badnaydna ay kaga dhaqaaqeen cidla, waa halkii qoraaggii George Orwell iyo buuggiisii (Animal Farm) ama Beertii Xayawaanka oo ay qaybi ka faa’iidaysatay nimcaddii intii kalena ay kaga hoyedeen gabadanadda iyaga iyo xaasaskoodda iyo carruurtoodiiba, taasina wax la aqbali karo maaha oo 12 sano ahba waxa haya hoggan leh waxaanu ka nimid xisbi ku abtirsadda halgankaas laakiin taasi ay tahay been iyo af gobaadsi.

Xasan Kayd Dhamac Caabbi, waxa uu ahaa qof si dhow ula socda siyaasadda walow uu xanuunsanayay mudo, haddana kama madhanayn in uu isha ku hayo wacyigga siyaasadeedd dalkiisu ku jiro, mar ayaan ugu tagay Turkey 2019, isagoo caafimaad badan ka helay cisbitaalkii magaaladda Sparta oo uu mudo ku negaa, isaga iyo inantiisa Asiya Xasan dhamac, ishiisu aad ayay u fiicnayd oo waa ay ka duwanand mar kale oo aan dhalkhtarka guud ee Hargaysa ku booqday 2017kii, waxaan aad u dareemay inuu caafimaad badan Eebbe ka siiyay Turkey intii uu joogay, haddana xasan kayd kuma faraxsanayn walow uu caafimaad ka helay jooggitaanka Turkey oo waxa uu ka doorbidayay ku laabashadda dalkiisii hooyo iyo caasamaddii Hargaysa, ee uu u dhashay kuna kacaamay yaraantiisii oo mar walba u ifaysay.

Isaga iyo Aasiya oo diyaar ah baan ku soo beegmay booqashadaydaas Turkey laakiin haddii aan imana lahaa xilli ka horaysay ,koliii aan u tagay oo aan kula talin lahaa in uu turkey oo uu caafimaad buuxa ka helay inuu iska joogo, waxaan hubaa inaanu iga yeeleen dal jacaylkiisa awgii aakhirkiina waa uu soo laabaty oo yimi Somaliland iyo dalkiisii hooyo, ka dib xanuunkii kama tagin Hargaysana ma laha dhakhtaro wanaagsan ama guud ahaan Somaliland sidaas oo ay tahay waa uu ku qanacsanaa wax kasta iyo si kasta oo ay Somaliland inay tahay waa run oo waa dalkiisii, laakiin waxa aya ahayd in cidda Somaliland taladeedda haysa cid dhaantaa hayn lahayd waxaanan hubaa in haddii taasi dhici lahayd Xasan Kayd dhamac, iyo kumanaan u soo halgamay Somaliland, maanta la haysto inay dhakhaatiir ka wanaagsan kan hadda ka jira caasimadda ee cisbitaalka guud goboladda dalkuna lahaan lahaayeen kuwo kuwa ay haystaan dhaama kuwa aan lahayna loo dhisi lahaa Xasan Kayd iyo inta kale ee xanuunsanaysay ama ha ahaadeen halgamayaashii ama dadka reer Somaliland guud ahaana ay haysan lahaayeen nolol dhaanta ta hadda oo si farax leh ay dadkooddii ay ka dul qaadeen heeryaddii soomaalidda taliyaanigu gumaysan jiray saareen in ka badan 60 sano ka hor.

Taasi oo aan wali si buuxdda looga qaadin heeryaddaa inta aan adduunku u aqaoonsan Somaliland dal ka madax banaan soomaaliddii uu taliyaanugu gumaysan jiray oo wali Somaliland u xukuma si dadban iyadoo ay u xayiran yihiin dhgamaan dadka reer Somaliland , Soomaaliddaa Uu Taliyaanigu gumaysan jiray oo isku darsaday aqoonsigooddii iyo kii Somaliland walina aan lahayn cid darista oo si dhab ah u dhamays tirta madaxbanaaniddii Somaliland, haddiiba ay Xasan Kayd iyo intii la mid ahayd garabkii malatari iyagu xorreeyeen oo ay Somaliland ka faro maroojiyeen Soomaaliddii Taliyaanigu gumaysan jiray, kalkana waxa maqan in ka badan 30 kii siyaasi ku sheegga Somaliland oo aan la ogayn meel ay u sal iyo raad dhigtay, dadkana lagu maaweelinayo la inama aqoonsana oo adduunkii ayaa dhabarka inoo soo jeeddiyay oo tolow maxaa loo heli waayay halyayo sidda Xasan (Kayd ) Dhamac Caabbi iyo intii la mid ahayd ama ha xijaabteen ama wali ha noolaadeene?, gacanta ku soo dhigga Somaliland oo garabkii malatari guryo keena halka siyaasi ku sheegaasi soo jeedin kari la yahay laabta adduunka ee 30 sano ka badan wali ku celcelinaya dhabarka ayaa la inoo soo jeediayay, haddiiba kuwaasi hor taagnaadaana uu sii socon doono dhabar soo jeedkaas.

Waxa aan soo gaadhay gabagabaddii maqaalkii waxaanan hubaa in uu Xasan ahaa geesi aanu ku hirano, haddii aanu nahay inta aanu ka koobanahay ee reer Cawad Bahdoon Iidle,waxaanan Eebbe uga baryayanaa inuu siiyay naxariista balaadhan ee aan lahayn qiyaasta Jannatul Fardawsina noqoto hoygiisii dhabta ahaa ee uu ku nagaaday, kagana raystay xanuunkii iyo dhibtii uu ku soo maray adduunka iyo sanadihii badnaa ee uu xanuunka u jiifay uuna ahaa qof ku samray oo ku qanacsanaa qadarka Eebbe ee aan la dhaafayn, waxaanan mar kale Xasan Kayd Dhamac caabi u waydiinayaa Eebbe inuu ka dhigay marti la jecel yahay oo uu qabrigga u nuuriyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Qore: Cabdi Muhumed

cabdimuhumed60@gmail.com