Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh hadal jeedinta berri ee Baarlamaanka labada Aqal uu ku faah faahin doono heshiis dhinaca difaaca Badda ah oo Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in heshiiskan uu yahay muddo 10 sano ah oo Ciidamada Badda Turkiga ku howlgalayaan Badda Soomaaliya kuna difaaco doonaan.

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishan Febraayo kala saxiixday heshiis istiraaji ah oo dhinaca Amniga ah.

Dawlada Turkigu ma soo gali karto bada Somaliland iyada oo aan wax ogolaansho ah ka haysan Somaliland .

Xasan Sheekh iyo Koonfurta Somalia kama taliyaan Somaliland Turkigu hadii uu soo hor galo qabiilada ka taliya Muqdisho waxa uu hor seedi doonaa dhib aan laga soo waaqsan.

Dawlada Turkiga ayaa xafiis arimaheeda uga hawl gala ku leh caasimadda Somaliland ee Hargaysa mana jiraan ilaa hada wax shib ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo dawlada Turkiga