Writen by Qaran News |

XASILOONI LA’AAN SIYAASADEED IYO BAA XAA DEGA XAALADAHA GOBOLKA GEESKA AFRICA SOO FOOD SAARAA WAXA AY SABABI KARAAN DIB U DHAC WEYN !!

Gobolka Geeska Africa waa mid isku wada xidhan oo ay dhibtiisa iyo dheeftiisuba isla markaaba ay gaadhayaan dalka wax ay ka dhacaan maaha e dalalka kale ee la jaarka ah , taasi waxa ay sababaysaa in laga werwero xasilooni darro kasta oo siyaasadeed iyo amni oo soo food saarta dawladaha Geeska Africa iyo waliba Gacanka cadmeed oo aan isaguna waxba ka dheerayn.

Gobolkani waxa uu ku sugnaa ama soo maray xaalado badan oo kala wada duduwan oo khataro iyo haliso badan laga soo gudbay taasi waxa ay keenaysaa in laga werwero marka dal ama dawlad gobolkani ama gobolada kale ee ku dhow ay gasho ama looga werwero xaalado xasilooni daro siyaasadeed oo keeni karta xasilooni daro amni iyo burbur aan ku ekaan kaliya halka wax ka dhaceen ee looga baqo in uu inta kalena gaadho.

Somaliland waxa ay sagaal iyo labaatan sanadood oo ay dawladnimadeeda dib ula soo noqotay kaalin weyn kaga jirtay xaaladaha amni , dhaqaale iyo siyaasadeed ee Gobolkani iyo gobolada kale ee la jaarka ah , iyada oo ay khatar badani hareereheega ka jirto oo ay jireen argagixiso ka dagaalamaysa Somalia , budhcad badeed kala xidhatay bada cas iyo badweynta Hindiya marka laga reebo inta Somaliland baddeeda ah.

Waxa ay tusaale wanaagsan u tahay in marka dalka arimaha gudihiisa ah wax badan ka qabto uu sidaa si la mid ah wax uga qabtay guud ahaan xaaladaha gobolka , qaarada iyo aduunkaba oo ah wax iskuwada xidhan oo aan marnaba kala maarmeyn, sidaasi oo ay tahay ayaad moodaa in aan dalalka gobolkani dareensanayn in dalkasta wax kaga gudban yahay kaalin wax ku ool ahna ugu jiro dalwalba oo ka mid ah gobolka.

Isku xidhnaanta nololeed, dhaqaale iyo isku tiirsanaanta dadka kuwada nool Geeska Africa ayaa sababaysa in ay isa saameyso hadii mid ka mid ah dalalka ay wax Iska badelaan oo keenaysa in Isla markiiba dalalka kale dareemaan saameynta arinkaasi keenay isla markaana ay cabsi gasho in uu sii fido dhibta dhacday oo laga yaabo in aanay meeshaasi uun ku ekaanin.

Haddaba marka xaaladahan gudaha gobolku jiraan iyaguna waxa iman kara xaalado siyaasadeed iyo dano ka baxsan gobolkani in ay dibada ka yimaadaan taasi oo iyaduna khatarteeda leh hadii aanay dawladaha gobolku u arag in ay wax badan isku dan ka yihiin isla markaana ay uga digtoonaadaan in dalal iyo dawlado ka baxsan gobolku gacan togaaleeyaan.

Arimahani iyo hawlahani waxa garan kara hogaan siyaasadeed oo bisil isla markaana ka aragti iyo hamiba fog inta kooban ee u muuqata , kuwaasina waxa lagu heli karaa hadba hab fekerka iyo heerka ay gaadhsiisan yihiin dadka gobolka ku nooli xaga aragtiyaha mustaqbalka dhow iyo mustaqbalka fogba oo noqda qaar baraarugsan oo hami iyo himilo durugsan oo mustaqbal leh.

Gobolka Geeska Africa waxa ka dhacay isbadelo siyaasadeed oo kala duduwan oo wax badan ka badelay xaaladihii iyo xulfiyadii siyaasadeed ee hore uga jiri jiray, kuwaasi oo uu ibo fur iyo bar bilow u ahaa kacdoonkii qoomiyada Oromia ee ka bilaabmay dalka Ethiopia sanadihiii u dambeeyey kaasi oo dhalay in uu kursiga ku yimaado raisal wasaaraha Ethiopia ee hadda talada haya Dr Abiy Ahmed Ali .

Runtii isbadeladaasi waxa ay ahaayeen qaar sameeyey dhacdooyin la yaab leh oo guud ahaan Gobolka Geeska Africa ah waxaana ku heshiiyey labadii dal ee isugu colaada xumaa dhawr iyo labaataneyadii sanadood ee ugu dambeeyey oo ahaa Ethiopia iyo Erateria , markii intaasi dhacday ayaa waxa abuurantay yididiilo kale oo ah in gobolkani wax badani iska badelaan oo uu la jaanqaado gobolada kale ee qaarada Africa iyo caalamka intiisa kaleba.

Nasiib daro wali wax badani ma hirgalin xaaladaha siyaasadeed ee dalka Ethiopia na maaha qaar degen oo gudaha dalkaasi waxa jira is diidooyin siyaasadeed oo waaweyn, kuwaasi cabsi badan laga qabo in ay dhaliyaan colaado hor leh oo qoomiyadeed iyo gobolo oo halis ku ah mandaqada oo dhan , tani waxa ay meesha ka saartay u hanqal taag iyo himilo uu gobolkani wax badan wadaagi karo, furfurnaan iyo horumar badan la gaadhi karo oo intii hore la isaga soo dhawaan lahaa.

Ilaa hadda lagama rajo dhigi karo in wanaag wax wada qabsi iyo nabad kuwada noolaansho guud ahaan gobolkani gaadhaa ay keenayso horumar iyo hore u socod nololeed, bulsheed, ganacsiyeed, iyo dhaqaale oo uu gaadho gobolka Geeska Africa , walow uu dalwaliba gudihiisa isku mashquulsan yahay hadana waxa haboon in kor la eego oo laga gudbo wax badan oo hoose , la iskuna kaashado halka wax ka yimaadaan in loowada gurmado oo sidii looga qayb qaadan lahaa xal ku soo dabaalida iyo xasilinta dalkaasi la isku garabsan lahaa.

Mohamed Dhimbiil