Writen by Qaran News |

Sida ay xaqiijiyeen wararka naga soo gaaraya Degmadda Gaashaamo ee Kililka Shanaad ee Itoobiya ,Ciidamo iskugu jira kuwa Federaalka Itoobiya iyo New-Police ayaa dadweyne badan oo Rayid ah ku xasuuqay Saaka Subaxnimadkii Tuuladda Jaamac Dubad oo ka tirsan Deegaanka Gaashaamo.

Inakastoo wararka deegaankaasi ka iminayaa aaney si cad usoo bixin ,iaydoo isgaadhsiinteedu xidhantahay, hadana warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Ciidamadaasi Tuuladaasi ku dileen in ka badan 30 Qof oo ay Rasaas Mariyeen ka dib markii ay is weer ka qabteen,kuwaasi oo iskugu jira Dumar ,Caruur iyo Dad Waayeel ah oo Rag ah ,oo aan wax danbi ah galabsan.

Ilaa iyo hada ma cada sababta dhabta ah ee Ciidamadda Itoobiya dadkaasi Rayidka ah u laayeen,isla markaana dhacdadan Xasuuqa ah ayaa noqonaysa tii ugu xumayd ee deegaankaasi Gaashaamo ka dhacda.

Geesta kale wararka Tuuladaasi Jaamac Dubad ka imanaaya ayaa intaasi ku daray in ay halkaasi iskaga baxeen Ciidamadii Falkaasi gaystay , ,waxaana la sheegay in ay jiraan dad ay kaxaysteen.