Writen by Qaran News |

Xeerka Axsaabta , Ururada ee Doodiisu ka socotay Golaha Wakiilada JSL.
_________________________________________

Asalaamu calaykum dhamaan akhristayaasha iyo dhamaan cid kasta oo qoraalkaygan uu gaadho .
____________________________________

Waxaan fursad u helay inaan dhagaysto dhamaan xildhibaanadii golaha wakiilada maalintii shalay ka doodaayey xeerka furista ururada iyo xisbiyada(wax-kabadalka xeerka xisbiyada) , ama wax-kabadalka habraacyadii xeerarkii khusaynaayey xisbiyada , ururada iyo guddida doorashooyinka oo aan u fahmay in wax-kabadalku dhamaantood tilmaamayo habraacyadooda .

Marka hore dowladu/xukuumadu waa awooda ugu saraysa dalka (Supreme Authority ), iyada oo raacaysa habraacyo sharciyeed , waxay leedahay korjoogtaynta, dabagalka xisbiyada qaranka , iyo hadii ay ururo jiraanba , mid siyaasadeed ama bulsho , waa awooda u igman ilaalinta sharciga iyo distoorka , wax walibana waxay kasoo dhanbalmayaan waa distoorka dalka ,iyadaana looga fadhiyaa inay cid walba sharciga ku ilaaliso ,xisbiyada uun maaha, dhamaan bulshada iyo howlaha bulshadu qabanaysaba , si shakhsiya how qabto , si kooxo ah how qabtaan , ganacsi , iwm. Waan in ficilkoodu Mar walba waafaqsanahay Xeerarka iyo diatuurka dalka, laguna ilaaliyaa. (Statutory Audit & Observations ).

Markaynu usoo laabano xisbiyada iyo dabagalkooda , si guud in loo xakameeyo axsaabta ,(si qaanuuniya oo aan nacayb iyo jacayl midna ku dhisnayn) cadaaladooda , dimiquraadiyada dhexdooda , xuquuqda muwaadiniinta xisbiga ka tirsan ,hanaanka maaliyadeed ee xisbiga , musharixiintooda iyo sifooyinka sharcigu tilmaamay inay yeeshaan (Tusaale , inaanu ahayn danbiile ahayn , caafimaad qabka ,muwaadinimada iwm) in la xaqiijiyo oo la ilaaliyo mabaadiidaaas guud waa sharci , waana wax loo baaahanyahay , waana sidaa ay sameeyaan aduunka oo dhan.

#Doodii:
Doodii xildhibaan Ibrahim Rate waxa ka mid ahayd “ shuruucda aduunku sida taayirada baabuurta ee is wada gala , ayay shuruucda caalamkuna isu gashaa , xisbinimada waxa asteeya, abuuraa waa dadweynaha , golena ma sameeyo ,gudina MA samayso , waa hadba kalsoonida bulshada , bulshadaana samaysa’’ waxa doodiisu tilmaamaysay xeeldheeridiisa dhinaca sharciga iyo waxan laga hadlaayo , waayo shuruucda aduunka oo dhan waxa loo sameeyaa , waa si bani’aadamka damaciisa logu xakameeyo , nolol wacan loogu suurtogaliyo, dowladnimo iyo haybadna ay ku noolaadaan .

Bani’aadamkuna waa isku mid , waa isku baahi , waa isku damac meel kasta ha joogo . waxuu tilmaamayaa shuruucda aduunku inay isku ujeedo loo sameeyo , iyadoo umadu kala duwantahay . dood wacan oo cilmi ku dhisan ayay xildhibaanada qaar(sida Xildh Rate , gudoomiyaha kumeelgaadhka ah xisbiga waddani xild. Abdiqaadir jirde ,xildh barre xubnahaas aan ka xusi karo ) banaanka keeneen , iyagoo u awood sheegtay qaar kale oo hadlaayey (ninku markuu kaa aqoon badanyahay waa kaa awood badan yahay).

Waxay cadeeyeen wax-kabadalkan iyo soo jeedin tan golaha taalaa inaanay dalka anfici Karin, xeerna u noqon Karin , sabab :

(⛔) Waxaan uga jeedaa Xeerku yuu Ina soo galin, inaga ilaaliya (no entry).

⛔ Waar marka koowaade xeerkan waqti xaadirkan looma baahna, waqti ku filan ayaa u dhiman xisbiyada hada jira , sabab loogu ordaa meesha ma taalo,

⛔ Xeerka garsoor kama muuqdo, Uma garsooraayo xisbiyada haatan jira iyo hadii loo baahdo oo qaar kale yimaadaanba,

⛔ Xeerku ma taabo galinaayo dimiquraadiyada aynu rabno inaynu xaqiijino ,

⛔Xeerku ma bixinaayo fursad xisbiyadeenu ku yaabo galaan, Kuna noqdaan hay’ado qaran oo u dhisan si gundheer,

⛔ Xeerku waxa uu ku xadgudbayaa xuquuqda muwaadiniinta iyo xisbiyada ,

⛔ Xeerku waxa uu faragalinayaa shuruucda hoose ee xisbiyadu gaarka u leeyihiin , oo kaliya waxa laga rabaa , sharciga xisbigu inuu waafaqsanyahay dastuurka iyo xeerarka wadanka , wax kale oo faro galina oo lagu samayn karaa MA jirto , taasina waa mabda guud , xisbiyada uun maaha , waa dhamaan shuruucda bulshadu si gaara u samaysato , ganacsiga , ururada bulshada dhamaan waa inay waafaqsanyihiin distoorka iyo xeerarka wadanka u yaala . fargalin kale laguma laha ,

⛔ Xeerku waa xeer ujeedaysan, xeer ujeedaysanina xeer qaran ma noqon karo ,

⛔ Dhaqaalaha yare ee dowladu siiso axsaabta qaranka , ee loogu talo galay inay howlahooda ku fushadaan (working capital/or expenses ) ayuu ka dabo imanayaa xadidayaa waxa lagu qabanaayo.

⛔ Hadii xeerka wax laga badalaayo, waa xeer u baahan waqti iyo daraasad cilmiyeysan, TIRADA xisbiyada, dhanka garsoorka, Guddida doorashoonka, habraacyadooda, golaha hada joogana waqti ku filan Uma hayo oo wuu sii socdaa,

⛔ Xisbiyada Qaranka waa hanti qaran, cida kaliya aqoonsiga ama ogolaanshaha xisbinimo Kala noqon kartaa waa maxakamada, ka dib marka lagu soo oogo danbiyo Xisbigu galay, Xisbiguna iska difaaco. Xeerkan waxa uu wareejinayaa awoodii maxakamada, Kuna wareejinayaa shaqsiyaad aan ahayn garsoorkii dalka, Sidaas daraadeed waa xeer dhinac ordaaya Hanaankii dowladnimada.

Sababahaas iyo qaar kale oo badan( qoraalkaa dheeraanayee) ayaanu sharcigani /soo jeedintani aanu ku ahayn mid ka fikirtay /lagu jaangooyey danta guud ee qaranka .

Waxa nasiib daro ah , fooxumo ku ah golaha iyo dowladnimadeenaba , nin qayb ka mida xildhibaanada, doodahoodu ay la mid noqdeen doodaha suuqa .

Waayo xildhibaanku wuu ka duwanyahay qofka suuqa jooga , ama siyaasiga ah ee damaca leh , ee doodiisa ku dhisaaya hadba meesha uu la hayo ama dantiisu ku jirto .
– – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – –

Dooda xildhibaanka laga rabaa waa noocee?
—————————————————
Maadaama xildhibaanku yahay wakiil bulsho , fadhiyo goob sharciyeed /goobtii shuruucda dalka laga unkaayey , qayb ka yahay haybadii dowladnimada , marka uu golaha fadhiyo dooda uu dhiibanayaa waa inay sifahan leedahay:-

👉Waa in doodiisa ay ku dhisantahay qanuun /sharci (waxa markaa laga doodaayo sharcigu waxa uu ka qabo) sal sharci waa inay leedahay ,

👉Waa in doodiisu qiimaynayso mustabalka , waxa laga hadlaayo waxa ka dhalan kara (odoros) isagoo ka duulaaya danta guud ee qaranka ,

👉Tixgalin bulshada iyo xaalada ay markaas ku jirto (u kala cadyihiin bulshadu waxay qaadi karto iyo waxaanay qaadi Karin, waaqaca bulshadu ku sugantahay),

👉Doodiisu waa inay tixgalin sisaa ,arinka laga doodaayo haduu bulshada hore usoo maray, samayntiisii khayr iyo shar, xogogaalnimo hore waa inay ka muuqataa .

👉Intaas oo aanu ku degdegin ee dhanwalba uu ka eego , ka dibna hab qaran u akhriyo, fikirkiisiina raaciyo, diid ama yeel ,(lagayaaba waxaas oo dhan sida uu u fahmay inaanay sawaabkii ahayn , ama sidii saxda ahayd) , xildhibaan walba inuu si ka duwan u arkhriyo ka kale ayaa dhacaysa, sunnena ah, , laakiin waa inay doodu ahaataa dood ay ka muuqato wakiilnimo .

hadaanay sifooyinkaa lahayn , dooda xildhibaanku , waxay noqonaysaa dood hunguri (isagu waxa uu rabo kaliya , cida uu la socdo , taageersanyahay , diidanyahay iwm ) qof rabitaankiina dee bulshada sharci uma noqoto . waxuunbay haybad tiraysaa golihii iyo sumacadii guud ee dowladnimo .

ugu danbayn xeerkani waxa kaliya ee uu iftiiminayaa waa awooda fahan , aqooneed , Sharci dajineed ee goleheena wakiilada iyo halkaynu soo soco, waxa ka soo horeeya murashixiintaa hada soo socota iyo howsha u taala.

waxa jira hanaan/hab /aragti aad u qiimo badan, kana mida aqoonta lagu dhiso/lagu horumariyo xooga shaqada iyo shaqaalaha (human capital/Human Resource Development Schemes).

Shirkadaha gaarka loo leeyahay, dhamaan hay’adaha bixiya adeega dadweynaha, goob walba oo adeeg shaqo bixisa/shaqaale joogo.

Habkaas waxa lagu horumariyaa shaqaalaha (Training and Development Strategy ) , public haa ahaado private ha ahaado Training waxa la siiya had iyo jeer dadka shaqada qabta (Traing is for non- managerial personnel ) halka development strategy /program loo qorsheeyo dadka haggayaasha ah (development programs is designed for Managerial Personnel).

Waxaan u soo qaatay , xildhibaanadan aan qaarkood arkay , waxa ay ahayd in la siiyo barnaajiyo lagu horumarinaayo shaqo ahaan iyo faham ahaanba . waxaan u fahmay malaa wali gudo iyo debed midna inaan wax orientation ah , oo ku saabsan golaha wakiilada , haybadiisa , saamaynta uu leeyahay warka ka baxa , doodaha ka baxa iyo qiimaha /ama qiimo dhaca ay bulshada gaadhsiin karaan iwm aan la siinin , jaantaa rogan uun kusoo gaaleen ,aragtida lagu hawl galaayeyna waxuunbay ahayd “HASOCOTO “.

– – – – – – – – Dhamaad————–

Fiiro gaara:-
Anigu MA ihi sharciyaqaan, laakin waa intaan ka fahmay,iyo doodii xeerka waxa iiga baxay.

Sir-Abdirashid Hussein Yousuf (Gahaydhle),
Email :-Gahaydhle@live.com
Doha, Qatar.Image

Get Outlook for Android