Jamhuuriyadda Somaliland
Xeerka Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Xeer Lr: 01/2023
Final Draft

CUTUBKA 1AAD:
QODOBO GUUD
Qodobka 1aad:
Magaca xeerka
Xeerkan waxa loogu yeedhaaa Xeerka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Xeer Lr.01/2023
Qodobka 2aad:
Eray bixin
Aqlabiyad: Waxaa loola jeedaa tirada ay ku ansaxayaan Go’aamada Komishanku.
Komishanka: Waxa loola jeedaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Guddi-hoosaad; Waxa loola jeedaa Guddi hoosaadyada uu yeelan karo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ee ku xusan Qodobka 13aad ee xeerkan,
Guddoomiye: Waxaa loola jeedaa Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Dhawrsanaanta: Waxa loola jeedaa xasaarada Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku ee ku xusan Qodobka 16aad ee xeerkan.
Miisaaniyadda Joogtada: waxa loola jeedaa miisaaniyada sanadlaha ah ee Komishanka looga qoondeeyo miisaaniyada qaranka ee ku xusan Qodobka 18aad ee xeerkan.
Miisaaniyadda Doorashada: waxa loola jeedaa miisaaniyada si guud loogu qoondeeyo qabashada hawlaha doorashooyinka, kuna jirta Madax-xigaha Doorashooyinka ee miisaaniyadda qaranka, iyo Deeqaha aya bixiyaan deeg-bixiyayaashu.

Sanduuqa Doorashooyinka: waxa loola jeedaa sanduuqa loogu talo galay in lagu shubo dhammaan lacagaha loogu talo galay qabashada doorashooyinka,

Shaqaale: Waxa loola jeedaa shaqaalaha joogtada ah ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Xeer: Waxa loola jeedaa Xeerka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Xubnaha: Waxaa loola jeedaa Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Qodobka 3aad:
Ujeedada Xeerka
Ujeedada xeerkani waa in la helo xeer u gaar ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka, xeerkaasi oo qeexaya qaab-dhismeedka Komishanka, xilka iyo waajibaadka Komishanka iyo madax-bannaanida shaqo ee la xidhiidha hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo ka madhan cabsi gelin, laaluush iyo musuqmaasuq, loona maamulay si madaxbannaan, dhexdhexaad ah, sugan, hufan, oo la xisaabtan leh.

Qodobka 4aad:
Jiritaanka Komishanka
1) Komishanka Doorashooyinka Qaranku waa hay’ad madax-bannaan oo leh jiritaan qaanuuni ah, isla markaana yeelanaya astaan iyo shaabad u gaar ah, waxanu magaciisa ku gali karaa heshiis kasta, waxna ku dacwayn karaa ama lagu dacwayn karaa.
2) Komishanka Doorashooyinka Qaranku si uu u guto hawlihiisa shaqo, waxa uu yeelan karaa, heli karaa, gacanta ku hayn karaa, maamuli karaa ama soo bandhigi karaa hanti kasta oo guurto ama maguurto ah oo xidhiidh la leh fulinta shaqadiisa.
3) Xil gudashada Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa saldhig u ah Dastuurka JSL, Xeerkan, Xeerarka Doorashooyinka iyo xeerarka kale ee khuseeya.
Qodobka 5aad:
Madax-bannaanida Komishanka
1) Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu u madax-banaan yahay gudashada waajibaadkiisa shaqo si waafaqsan Dastuurka dalka, lagumana samayn karo wax fara gelin ah haba yaraatee.

2) Komishanmku wuxuu hawlihiisa u gudanayaa si hufan oo daahfurnaan ah oo ka madax-bannaan saamayn kasta oo siyaasadeed ama mid dawladeed.

3) Komishanku wuxuu u dhaqmi doonaa si eexla’aan iyo caddaalada ah, oo dhex u ah Musharixiinta/ururada/xisbiyada siyaasada, oo waafaqsan habdhaqanka wanaagsan ee maamulka doorashooyinka.

CUTUBKA 2AAD
KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA

Qodobka 6aad:
Qaabdhismeedka Komishanka
1) Qaab-dhismeedka Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu ka kooban yahay:
a) Todoba (7) xubnood, oo kala ah: Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo 5 Xubnood.
b) Agaasime Guud,
c) Waaxo iyo qaybo uu yeesho Xafiiska dhexe ee Komishanka, iyo
d) Xafiisyada Komishanka ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka,
2) Guddoomiyaha & Guddoomiye-xigeenka Komishanka waxa iska-dhex dooranaya Xubnaha Komishanka, habka Doorashaduna waxay noqonaysaa Gacantaag, waxayna ku ansaxaysa cod hal (1) dheeri ah ee dhamaan xubnaha Komishanka.
3) Xafiiska dhexe ee Komishanka Doorashooyinku wuxuu xaruntiisa ku yeelanayaa caasimadda JSL ee Hargeysa.

Qodobka 7aad:
Magacaabidda Xubnaha Komishanka
1) Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa magacaabaya Madaxweynaha JSL kaddib marka uu helo soo jeedimaha: –
a) 2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo.
b) 2 xubnood oo ay soo xulayaan xisbiyada mucaaridka ah.
c) 3 xubnood ee kale Madaxweynaha ayaa soo xulaya.
2) Xubnaha Komishanka waxa cod kala badh iyo hal ah (absolute majority) ku ansixinaya Golaha Wakiillada, markuu guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilladu soo hubiyo in ay buuxinayaan shuruudaha Xeerku tilmaamayo.
3) Muddada xilka ee Xubnaha Komishanku waa 5 sanno, oo ka bilaabmaysa marka Golaha Wakiilladu ansixiyo, waana loo cusboonaysiin karaa xilka.
4) Shaqaale dawladeed, xubin Barlamaan, Xubnaha Golaha Wasiirrada, ciidan Qaran iyo xubin xil u haysa urur/xisbi Kama mid noqon karo Komishanka.
Qodobka 8aad:
Shuruudaha Magacaabidda Xubnaha Komishanka

1) Waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay.
2) Waa inaan da’diisu ka yarayn 40 jir kana weynayn 70 jir.
3) Waa inuu Muslin yahay, kuna dhaqmaa diinta Islaamka.
4) Waa inuu leeyahay aqoon heer jamacadeed ugu yaraan.
5) Waa inaanu ka mid ahayn urur/xisbisiyaasadeed, kana madaxbannaan yahay.
6) Waa in lagu yaqaan dhawrsanaan, sharaf iyo caddaalad bulshada dhexdeeda.
7) Waa inaan dembi ciqaab oo maxkamad horteed kaga cadaadey ku dhicin weligiiba.
8) Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilka.

Qodobka 9aad:
Xil ka Qaadista Komishanka
1) Xubnaha Komishanka waxa xilka lagaga qaadi karaa:
a) Markuu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay.
b) Marka uu xilka gudan Kari waayo karti darro ama caafimaad darro awgeed.
c) Marka uu ku kaco anshax-xumo, xatoyo, musuq-maasuq, eex IWM.
2) Marka arrimaha kor ku xusan yimaadaan waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa guddibaadhiseed madaxbanaan oo ka soo warbixisa si uu go’aan ugu qaato.
3) Xil ka qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in Golaha Wakiiladu ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah (simple majority).
4) Marka ay bannaanaato xubin Komishanka ka mid ahi, xil ka qaadis, geeri, ama is casilaad awgeed, waxa buuxinta jagadaas loo raacayaa habka xubintii banaysay xilku ku timid.

Qodobka 10aad:
Awoodaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu awood u leeyahay
1) Inay qabtaan, isla markaana si madax bannaan u maamulo dhammaan doorashooyinka kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
2) Inay cayimaan wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro.
3) Inay cayimaan tirada iyo goobaha cod-bixinta ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta ee gobolada iyo degmooyinka dalka.
4) Inay qortaan, eryaan, anshax-mariyaan shaqaalaha aan joogtada ahayn ee xiliga doorashoyinka si madaxbannaan.
5) Inay dejiyaan Miisaaniyadaha lagu maamulayo hawlaha doorashooyinka iyo Diwaangalinta Cod-bixiyayaasha.
6) Inay ku dhawaaqaan natiijooyinka doorashada Madaxtooyada, doorashada Golaha Wakiilada iyo doorashada Golayaasha Degmooyinka si ku meel gaadh ah, inta aan Maxkamadda awooda u lihi ansixin.
7) Inay kormeeraan si kedis ah iyo si qorshaysanba goobaha doorashada iyo meel kasta oo hawshooda khusaysa.
8) Inay go’aan ka gaadhaan muranada iyo cabashooyinka natiijada doorashada ee ka soo gaadha xafiisyada hoos yimaada, ka hor inta aan loo gudbin Maxkamadaha awooda u leh.
9) Inay sameeyaan daraasad ku saabsan sidii dalka loogu samayn lahaa goobo doorasho, oo cod-bixiyayaashu codkooda ka dhiibtaan maalinta doorashada.
10) Inay diiwaan-geliyaan cod-bixiyayaasha ka hor taariikhda doorashada.
11) In ay ogolaadaan, jiheeyaan, isku xidhaan hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo daneeyayaasha kale ee ka shaqeeya hawlaha doorashooyinka.
12) In ay maamulaan hawlaha wacyigelinta ee doorashooyinka.
13) In ay soo saaraan Xeer-nidaamiyeyaal, Habraacyo, Xeerarka Hab-dhaqanka Xisbiyada oon ka hor imanayn Xeerkan iyo xeerarka kale ee doorashooyinka khuseeya.
14) In ay dejiyaan habab maamuleed oo ku saabsan ilaalinta, baadhista iyo dabagalka ku dhaqanka xeerarka anshaxa arrimaha doorashooyinka ee xisbiyadda/ururada iyo murashaxiintooda iyo talaabooyinka idaariga ah oo ay ku jiraan ganaax idaari ah, oo laga qaadi karo ku xadgudbyada qodobbada xeeraka anshaxa.
15) In ay maamulaan olalaha doorashooyinka, isla markaana xaqiijiyaan in loo hoggaansamay xeerarka hannaanka ololaha doorashooyinka,
16) Inay qaabeeyaan, daabacaan, qaybiyaan isla markaana maamulaan isticmaalka waraaqaha cod-bixinta,
17) Inay keenaan, qaybiyaan sidoo kalana ururiyaan sanaadiiqda cod-bixinta;
18) Inay kor u qaadaan wacyiga bulshada ee la xidhiidha fahamka habka codaynta doorashooyinka iyadoo la adeegsanayo hababka wacyi gelinta oo ay ku jirto luqada suul dhabaalaha ee dadka maqalka ka naafada ah,
19) Inay qaadaan tallaabooyinka lagamamaarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo in dadka naafada ahi ay si sahlan u codayn karaan,
20) Inay gutaan shaqooyinka iyo awoodaha kale ee ay u xilsaaraan Komishanka xeerarka kale ee dalku,

Qodobka 11aad:
Shirarka Komishanka
1) Si uu u guto waajibaadkiisa shaqo Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu qabsan karaa shirar markasta oo loo baahdo.
2) Shirarka Komishanka waxaa isugu yeeri kara gudoomiyaha ama markay codsadaan ugu yaraan afar (4) xubnood oo Komishanka ah, waxayna ku kulmi karaan meel kasta oo ka mid ah JSL,
3) Shirarka Komishanka waxa guddoominaya Gudoomiyaha Komishanka, hadii uu maqan yahayna Gudoomiye Kuxieegka, haddii ay maqan yihiin labadooduba waxa Guddoominaya xubinka Komishanka ee Gudoomiyuhu u igmado.
4) Shirarka Komishanka waxay ku qabsoomayaan marka ay soo xaadiraan ugu yaraan Afar (4) xubnood.
5) Shirarka komishanka waxa xoghayn u noqonaya Agaasimaha Guud oo u qaabilsan Qaadista hadal-qoraalka fadhiyada komishanka iyo kaydintooda.
6) Komishanka doorashooyinku waxay shirkooda ku marti qaadi karaan qofkii ay u arkaan in fikirkiisa ama xogtiisu ay muhiim u yahay shirka, laakiin qofkaasi ma yeelan doono wax cod ah.
Qodobka 12aad:
Go’aamada Komishanka
1) Go’aamada xubnaha Komishanku ay qaadanayaan waxay u go’aaminayaan si wada jir ah.

1) Haddii ay dhacdo in xubnaha Komishanku isku aragti ka noqon waayaan arrin ama arrimo gaar ah, waxay isku dayayaan in ay ku dhammeeyaan is afgarad (consensus), haddii taasi shaqayn waydana cod ayay u qaadayaan.
2) Go’aamada Komishanku waxay ku ansaxayaan aqlabiyada xubnaha shirka fadhiya, hadii tirada codadku isleekaado Gudoomiyaha ayaa leh cod dheeraad ah (casting vote).
Qodobka 13aad:
Guddi Hoosaadyada Komishanka
1) Komishanka doorashooyinka qaranku, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo, waxa uu yeelan karaa, guddi -hoosaadyo ka kooban xubnihiisa, waxanu u xilsaari karaa, guddi-hosaadyadaasi shaqooyinka uu u arko inay ku haboon yihiin. hawlo shaqo oo gaar ah
2) Guddi-hosaadyada Komishanku waxay noqon karaan kuwo joogto ah ama kuwo ku-meel-gaadh ah oo u xil-saaro hawlo gaar ah wakhti cayiman.
3) Guddi-hoosaadyada kala duwani waxa ay masuul ka noqonayaan socodsiinta hawlaha Komishanka ee ay u igman yihiin.
4) Guddi-hoosaadka waxa loo xilsaari karraa hal shaqo wax badan
5) Iyadoo loo hogaansamayo tilmaamaha guud ee xeerka, guddoomiyaha Komishanka, guddi-hoosaad kastaa waxay diyaarsanayaan habraacooda shaqo, waxaana laga ansixinayaa Gudidda Komishanka Doorashooyinka Qaranka
6) Gudihoosaadyadu waxay warbixin ka diyarinayaan hawlgaladda ay u igmanyihiin

Qodobka 14aad:
Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha
Xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa ka mid ah:
1) Guddoomiyuhu waa madaxa ugu sareeya ee maamulka Komishanka Doorashooyinka Qaranka
2) Matalaadda iyo ku hadalka magaca Komishanka;
3) Socodsiinta iyo maamulidda dhamaan howlaha Komishanku u xil saran tahay.
4) Diyaarinta miisaaniyada Komishanka markuu la tashado xubnaha kale ee Komishanka.
5) Diyaarinta iyo Go’aaminta Komishanka qorshayaasha iyo barnaamijyada shaqo ee Komishanka.
6) Magacaabidda Guddi-hoosadyadda, madaxda waaxaha xafiiska Komishanka iyo xafiisyada Gobollada iyo Degmooyinka ee Komishanka,
7) Kahawl-galidda kor u qaaadida xirfada iyo tayada shaqaalaha Komishanka.
8) Bixinta amarada shaqada lagu kala socodsiinayo
9) Saxeexidda heshiisyada Komishanku cid la gelayo
10) Saxeexidda qoraalada rasmi ahaan uga baxaya Komishanka.
11) Xidhiidhinta Komishanka iyo Hay’addaha kala duwan ee ay wadashaqaynta leeyihiin;
12) Iclaaminta iyo iskugu yeedhida shirarka kala duwan ee Komishanka;
13) Guddoominta shirarka kala duwan ee Komishanka, hogaaminta doodaha iyo hadal u qaybinta xubnaha xiliyadda shirarka;
14) Kormeerka iyo la socoshada maamulka Guud ee Komishanka;
15) Xoojinta xidhiidhka shaqo ee Komishanka iyo daneeyayaasha kale arrimaha doorashooyinka;
16) Ku dhawaaqidda go’aamadda kala duwan ee Komishanku soo saarto, ku dhawaaqidda natiijada doorashada madaxwaynha iyo madaxwayne ku-xigeenka;
17) kormeeridda iyo dabagalka Guddi-hoosadyada, xafiisyada waaxaha, Goboladda iyo Degmooyinka xafiisyada Komishanka,
18) Abuuridda jawi wadashaqayneed oo udhexeeya xubnaha Komishanka iyo Hay’addaha kale ee ay wadashaqaynta leeyihiin,
19) Shaqo kasta oo kale oo ay u xilsaaraan xeerarka dalku,
Qodobka 15aad:
Xilka iyo Waajibaadka ku-xigeenka Komishanka
Xilka iyo waajibadka Guddoomiye ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa ka mid ah:
1) Gudashada xilka Guddoomiyaha Komishanka mar kasta oo uu Guddoomiyuhu maqan yahay ama marka ay banaanaato jagada Gudoomiyaha Komishanku.
2) Ka caawinta Guddoomiyaha xilgudashada hawlaha uu Komishanku u xilsaran yahay.
3) Gudashada waajibaad kasta oo uu Guddoomiyuhu u igmado una xilsaaro;
Qodobka 16aad:
Dhawr-sanaanta Komishanka Doorashooyinka
Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay leeyihiin dhawrsanaan la mid ah ta Golaha Wasiirada mudada ay xilka hayaan. Dhawrsanaan ka qaadistoodana waxa loo marayaa sida uu tilmaamayo Qodobada 94(8) iyo 96(4) ee Dastuurka.

CUTUBKA 3AAD
QODOBADA MAALIYADDA

Qodobka 17aad:
Miisaaniyadda Komishanka

1) Miisaaniyadda Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka kooban tahay;
a) Miisaaniyadda joogtada ah ee Komishanka Doorashooyina Qaranka sannad kasta looga qoondeeyo miisaaniyadda qaranka, iyo
b) Miisaaniyada gaarka ah ee loogu talo galay qabashada hawlaha doorashooyinka.

Qodobka 18aad:
Miisaaniyadda Joogtada ah ee Komishanka
1) Miisaaniyadda Joogtada ah ee Komishanka Doorashooyina Qaranku waa miisaaniyada sanadlaha ah ee Komishanka looga qoondeeyo Miisaaniyada Qaranka ee ka mid ka ah miisaaniyada uu ansixiyo Golaha Wakiiladu,
1) Miisaamiyada Joogtada ah ee Komishanka doorashooyinku waxay u isticmaalayaan;
a) Ku bixinta Musharooyinka iyo gunooyinka xubnaha Komishanka iyo shaqaalaha si waafaqsan xeerka miisaaniyadda loogu ogolaaday.
b) Ku bixinta sahayda safarrada iyo habeen dhaxyada
c) Ku bixinta kharashaadka kale ee joogtada ah ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyo
d) Ku maalgelinta mashaariicda iyo adeegyada kale ee la xidhiidha shaqooyinka ay Komishanku u xilsaaran yihiin.
2) Misaaniyada joogatada ah ee Komishanka aan ahayn miisaaniyadda doorashooyinka, waxa lagu maamulayaa si waafaqsan Qodobka 55aad faqradiisa 4aad ee Dastuurka iyo Xeerka Maamulka iyo Maaliyadda Qaranka (Xeer Lr: 75/2016).

Qodobka 19aad:
Miisaaniyadda Gaarka ah ee Doorashooyinka
1) Miisaaniyadda gaarka ah ee hawlaha doorashooyinku waa miisaaniyada si guud loogu qoondeeyo hawlaha doorashooyinka, kuna jirta Madax-xigaha Doorashooyinka ee Miisaaniyadda Qaranka, iyo miisaaniyada Deeqaha ah ee laga helo deeg-bixiyayaasha.
2) Miisaaniyadda gaarka ah ee hawlaha doorashooyinku waa Miisaaniyad u gaar ah Komishanka Doorashooyinka, oo ay soo qorshaysanayaan, una gudbinayaan Madaxweynaha.
3) Miisaaniyadda gaarka ah ee hawlaha doorashada waxay Komishanku u isticmaalayaan si madax bannaan, iyadoo ay waajib tahay inay xisaab-celin saddex bilood gudohood biloodle ah u gudbiyaan Xisaabiyaha Guud, marka Doorashadu dhamaato

Qodobka 20aad
Xisaabaadka iyo Hanti-Dhawrka
1) Komishanka Doorashooyinku waxa uu si joogto ah oo sugan u diiwaangelin doonaa dhammaan dhaqdhaqaaqa xisaabaha soo gala, hawlaha lagu qabtay iyo hantida ama agabka Komishanka.
2) Komishanku waa inuu, saddex bilood gudahood ka dib dhammaadka sannad-maaliyadeed kasta, uu diyaariyaa xisaab-celinta sanadka ee Miisaaniyada Joogatada ee Komishanka,
3) Xisaab-celinta Miisaaniyada joogatada ah ee Komishanka ee ku xusan farqada 2aad ee Qodobkan, waxa si sannadle ah u baadhi doonaa hantidhawraha Guud ee Qaranka si waafaqsan Xeerka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, Xeer-Lr.-76-2016.
4) Komishanku waa inuu diyaariyaa xisaab-celinta Miisaaniyada gaarka ah ee Madaxigaha Doorashooyinka marka ay dhamaato Doorashadu.
5) Miisaaniyadda gaarka ah ee doorashooyinka ee ku xusan farqada 4aad ee Qodobkan, waxaa lagu hanti dhawrayaa Digreeto Madaxweyne oo kaliya, iyada oo la tix galinayo Dhex-dhexaad-nimada Komishanka doorashooyinka Qaranka.

Qodobka 21aad:
Sanduuqa Doorashooyinka/Diiwaangalinta
1) Waxa Xeerkan aas-aasayaa sanduuqa doorashooyinka oo Komishanku maamulayo laguna shubayo: –
a) Dhammaan lacagaha loogu talo galay doorashooyinka ee ay xukuumaddu bixiso;
b) Lacagaha ay bixiyaan qaadhaan bixiyayaashu ee doorashooyinka loogu talogalay;
2) Komishanku waa inuu sanduuqa u maamulaa si xil-kasnimo leh oo madaxbannan una xisaab celiyaa Xisaabiyaha Guud.
3) Dhamaan ganaaxyada laga qaado murashixiinta/xisbiyada/ururada kala duwan ee u tartamaaya doorashooyinka waxa lagu shubayaa Sanduuqa Doorashooyinka Qaranka.

Qodobka 22aad:
Qandaraasyada Komishanka Doorashooyinka Qaranka
1) Komishanku wuxu si madax bannaan u maamulayaa qandaraasyada la xidhiidha Agabka iyo Adeegyada Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-Bixiyayaasha,

2) Qandaraasyada la xidhiidha Agabka iyo adeegyada doorashooyinka waxa loo baahinayaa si daah-furnaan ah oo tartan ku salaysan,

3) Komishanku waxay ku baahinayaan qandaraasyada warbaahinta ugu yaraan 14 maalmood oo maalmo shaqo ah,

4) Qandaraasyada la xidhiidha adeegyada joogtada ah ee ay ka mid yihiin shidaalka iyo agabka xafiisyada, komishanku waxa uu sanad-miisaaniyadeed kasta ku bixinayaa hab qandaraas oo loo tartamo, si loo xaqiijiyo usinaanta fursadaha ganacsiga sidoo kalana loogu helo qiimo macquula,

5) Komishanku waa inuu xaqiijiyaa in cidkasta oo la siinayo qandaraas ay leedahay awoodii iyo dhaqaalaha lagamamaarmaanka u ah, sidoo kalana haysato sharciyaddii la xadhiidha hawshaasi,

6) Go’aamada la xidhiidha bixinta qandaraasyada kumashanku waxay u gaadhayaan si waafaqsan Qodobka 12aad ee Xeerkan,

7) Qiimaynta qandaraasyada waxa uu komishanku u adeegsan karaa farsamo yaqaaano iyo lataliyayaaal si loogu qiimeeyo si hufan,
Qodobka 23aad:
Diiwaangelinta iyo Ilaalinta Hantida Komishanka
1) Komishanku waxa uu samaynayaa diiwaan dhexe oo lagu kaydiyo xogta hantida guurtada iyo maguurtada ah ee komishanka,
2) Komishanku waa inuu sameeyaa Hab maamul hubineedka hantida, si loo hubiyo in hantidaasi markasta la heli karo, si loogu fuliyo hawlaha komishanka oo ah ujeedadii loo soo iibiyey.
3) Guddoomiyaha komishanku waxa uu xaqiijinayaa in aan hantida komishanka aan loo leexin meel kale, laguna isticmaalin hawlo aan ahayn kuwii loogu talagalay, Waxaa kale oo reeban in hantida komishanka loo isticmaalo dan shakhsi
4) Si loogu fuliyo hawlihii iyo ujeeddooyinkii loogu talagalay, hantida komishanku waa in ay ahaato mid xaaladdeedu fiicanyahay markasta. Guddmiyaha komishankuna uu hubiyo markasta Tayo wanaagga hanti kasta oo la soo gado, si joogto ahna loo dayactiraa qalabka la isticmaalay,

CUTUBKA 4AAD
SHAQAALAHA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA

Qodobka 24aad:
Agaasimaha Guud ee Komishanka
1) Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu yeelanayaa Agaasime Guud oo uu magacaabo Madaxweynuhu. kaas oo noqonaya xoghaynta Komishanka; waxana uu Komishanka ka caawin doonaa arrimaha maamulka
2) Agaasimaha Guud ee Komishanka Doorashooyinku waa;
a) In uu yahay muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland,
b) Inuu haysto shahaadada 1aad ee Jaamacadda (first degree) kana haysto Jaamacad la aqoonsanyahay;
c) Inuu leeyahay waayo aragnimo shaqo oo aan ka yarayn Shan (5) sano.
d) In uu yahay qof aqoon sare u leh maamulka & maaliyadda, isla markaana hanan kara hawl maalmeedka Komishanka.
e) In uu Ku sifoobay akhlaaq wanaag, karti iyo hufnaan shaqo.

Qodobka 25aad:
Xilka iyo Waajibaadka Agaasimaha Guud
Xilka iyo waajibadyada agaasimaha guud waxa ka mid ah:
1) Socodsiinta shaqo maalmeedka Xafiiska Komishanka;
2) Maamulka iyo hawl-galinta shaqaalaha Komishanka.
3) Fulinta iyo meelmarinta go’aannada maamul ee ka soo baxa Komishanka;
4) Xaqiijinta in ay shaqaaluhu u hogaansamaan habdhaqanka guud iyo qiyamka shaqada;
5) Diyaarinta iyo isku dubaridka miisaaniyadda Komishanka.
6) Hubinta isu dheelitirka dakhliga iyo kharashaadka miisaaniyadda Komishanka.
7) Soo jeedinta magacaabista iyo isku bedelka Agaasime Waaxeedyada Komishanka.
8) Gudoominta gudida anshaxmarinta shaqaalaha Komishanka.
9) Diyaarinta warbixinaha iyo xisaab xidhada Komishanka.
10) Diyaarinta warbixinada maamul iyo maaliyadeed ee Komishanka.
11) Diyaarinta qaaab-dhismeedka waaxaha iyo qaybaha xafiiska Komishanka iyo dhaqangalinta marka ay ansixiyaan xubnaha Komishanku.
12) Ilaalinta iyo daryeelka hantida guud ee Komishanka,
13) Diyaarinta shirarka iyo hawlaha kale ee Komishanka,
14) Qaadista hadal qoraalka fadhiyada Komishanka.
15) Qabashada dhamaan hawlaha kale ee ay u xilsaaraan Xeerarka dalku.
16) Agaasimaha guud waxaa uu hoosyimaadaa Gudoomiyaha Komishanka, waxaana uu ku shaqeeyaa awaamiirtiisa si sharciga waafaqsan.

Qodobka 26aad:
Shaqaalaha Komishanka
1) Komishanka Doorashooyinku waxa uu yeelanayaa shaqaale joogto ah oo ka kaalmeeya hawlaha shaqo ee uu u xilsaaranyahay.
2) Hannaanka Qorista shaqaalaha Joogtada ah ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa loo raacayaa Xeerka Shaqaalaha Dawladda, si loo ilaaliyo xuquuqdooda loona xaqiijiyo inay helaan dammaanad shaqo,
3) Shaqaalaha Komishanka waxa ku waajib ah in ay u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan xeerka guud ee Doorashooyinka iyo Diwaangelinta doorashooyinka iyo Xeerka Shaqaalaha Dawladda,
4) Qorista shaqaalaha aan joogtada ahayn ee Komishanku u qaato hawlaha doorashooyinka waqtiga dooarshada waxaa u madaxbannaan Komishanka, waxana loo raacayaa Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta,

Qodobka 27aad:
La-taliyeyaasha iyo Khubaradda
1) Komishanka Doorashooyinku waxa uu qaadan karaa khubaro la-taliyeyaal kala duwan si uu u adeegsado khibradooda iyo aqoontooda.
2) Xilka iyo muddada shaqo ee la-taliyeyaasha iyo khubarada lagu sheegay faqrada 1aad waxa go’aaminaya Komishanka iyada oo lagu salaynayo baahida shaqo ee xafiiska.

CUTUBKA 5AAD
QODOBO QUBANE AH
Qodobka 28aad:
Habdhaqanka Xubnaha Komishanka
1) Xubin kasta oo ka mid ah Komishanka waxa ku waajib ah inuu u shaqeeyaa si eex la’aan ah oo madaxbannaan, sidoo kalana u gutaa xilkiisa si daacadnimo ah oo aan lahayn cabsi, u xaglin ama takoorid.
2) Xubin kasta oo ka mid ah Komishanka waxa ka reeban;
a) Inuu qabto ama loo magacaabo shaqo kale inta uu xilka hayo,
b) Inuu taageero ama ishortaago si toos ah ama si dadban xisbi ama musharax ka qayb qaadanaya doorasho ama khilaaf kasta oo u dhexeeya xisbiyada ama musharaxiinta
c) In aanu xubinimadiisa ama habkasta oo kale aanu ku waxyeelin dhexdhexaanimadiisa ama sumcadda Komishanka,
d) In uu uga faa’iidaysto ama uga faa’iideeyo cid kale xogaha sirta ah ee uu ku helay xilkiisa iyo shaqadiisa.
e) Inuu u gudbiyo warbixinaha sirta ah cid kale marka laga reebo warbixinaha ku eg awoodiisa shaqo si sharciga waafaqsan.
3) Xubnaha Komishanka, qoysaskooda, qaraabadooda iyo shaqaalaha Komishanku toona kuma lug yeelan karaan qandaraasyada kala duwan ee Komishanku bixiyo.
Qodobka 29aad
Kaqayb-Galka Bulshada ee Arrimaha Doorashooyinka
1) Komishanku waxa uu xidhiidh wadashaqayneed la yeelanayaa dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin hay’adaha dawladda, ururada bulshada rayidka, aqoonyahanka iyo waxgaradka kala duwan ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, si loo xaqiijiyo in la helo doorashooyin laga wada qayb-qaato.

2) Komishanka doorashooyinku waxa uu qaban karaa kulamo dadweyne iyo aqoon iswaydaarsiyo ku saabsan doorashooyinka dalka, si kor loogu qaado fahamka iyo ka qayb-qaadashada dadweynaha ee hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah,

Qodobka 30aad:
Warbixinaha Komishanka

1) Komishanku waxa uu diyaarinayaa warbixino ku saabsan diyaargarawga doorashooyinka.
2) Warbixinaha ku xusan faqrada 1aad ee Qodobkan waxay Komishanku la wadaagayaan Madaxweynaha, Golaha Wakiilada iyo Asxaabta Qaranka.

Qodobka 31aad:
Soo saaridda Xeer-nidaamiyeyaasha
1) Komishanka doorashooyinka qaranku waxay awood u leeyihiin inay soo saaraan xeer-nidaamiyayaal lagu dhaqan-gelinayo xeerkan isla markaana lagu faah-faahinayo awoodaha Komishanka ee ku xusan xeerkan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin:
a) Xeer-nidaamiyeyaasha khuseeya arrimaha diiwaangelinta codbixiyaha,
b) Xeer-nidaamiyeyaasha khuseeya kaadhka cod-bixinta,
c) Xeer-nidaamiyeyaasha khuseeya hab-dhaqanka xisbiyadda qaranka, (code of conducts)
2) Komishanka Doorashooyinku waxa kale oo ay awood u leeyihiin inay soo saaraan habraacyo iyo hageyaal la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo taabagalinta doorashooyinka.

Qodobka 32aad:
Laalis/Nasakhaad
Waxa xeerkan lagu laallay Qodobada 6aad ilaa 16aad ee ku jiray Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020, iyo xeer kasta oo kale oo la xidhiidhay Komishanka doorashooyinka oo aan waafaqsanayn Qodobada Xeerkan.

Qodobka 33aad:
Dhaqangalka Xeerka
Xeerkan waxa uu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Goleyaasha Xeer-dejintu (Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida), Madaxweynuhuna saxeexo, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee JSL.