Writen by Qaran News |

 

Marka aad Xeerkan akhriyeyso, waxa aad garanaysaa in Xeerkani uu dhawaan uun ku baraarugay inuu kufsi jiro, wax walbana eber ayaa uu ka soo bilaabayaa, xataa ma soo xiganayo ciqaabihii hore ee uu kufsigu lahaa, mana sheegayo sababta loo beddalay ciqaabahaas! Kaliya qodobka 45aad ee Xeerkan ayuun baa si fudud loogu xusay in ay ciqaabahaasi bureen iyada oo aan sabab la sheegin. Waa isla tabtii Waraabihii barqada kacay ee jarka ka dhacay. Xeerkani barquu kacay, markaas ayuu jar ka dhacay.

Xeerkan gudihiisa waxa isku ciqaab ah ninka nin kufsada iyo ninka gabadh kufsada, ee isku si u kufsada! Waxa isku ciqaab ah ninka oday awoow ah kufsada iyo ninka kufsada nin dhallinyar ah ee isku si u kufsada! Waxa isku ciqaab ah ninka habar ayeeyo ah kufsada iyo ninka gabadh dhallinyar ah kufsada! Waxa isku ciqaab ah ninka Suldaan reer kufsada iyo ninka qof iska caadi ah kufsada! Ma uu kala saarin xeerku dadkan kala duduwan. Kaliya waxa uu kala saaray uun carruurta wixii 15 ka yar oo haddii isku si loo kufsado ciqaabtoodu ay siman tahay iyo wixii 15 ka weyn oo haddii isku si loo kufsado ay ciqaabtoodu siman tahay. Qaybtan dambe waxa soo galaya dhammaan dadka aan xagga hore ku sheegay ee waayeel iyo wax-garadba leh!

Qodobka 10aad bal isaga akhri! Waa qodob sidiisa iskaga hor imanaya, xataa firqadihiisu ay is duqaynayaan! Labada farqadood ee hore waa isku macne, haddana waxa ay sheegayaan laba ciqaabood oo kala duwan in lagu samaynayo qofkii sidaas yeela. Hadda waa dambi isku mid ah waxa ay labada ciqaabood u kala sheegayaan. Ma qoraalka ayaa khaldan? Sidee ayuu u khaldamaa qoraal soo maray 82 xildhibaan iyo weliba madaxweynihii? Iyada oo ay sidaas tahay, ayaa haddana farqadda saddexaad xarafkeeda B uu ka hor imanayaa labada firqadood ee horeba! La yaab kale! Waxa uu sheegayaa in qofka masuulka ah ee awooddiisa uga faa’iidaysa inuu qof kale ku kufsadaa uu ka ciqaab yar yahay qofka si caadi ah u kufsada qof kale! Balse marka aad akhrido qodobbada dambe, sida qodobka 34aad ee sheegaya xaaladaha cuslaynaya ciqaabta qofka ayaa aad garanaysaa in qodobkan la kala garoocday oo si caqli xumo ku jirto loo bedbeddalay, ciqaabihii ku qornaana loo fududeeyey iyada oo aan la iska hubin qodobbadii ku xidhnaa qodobkan oo ku jira qodobbada kooban ee qodobbo kale ku xidhan. Masuuliyad gacantaada ku jirtaa haddii ay cuslaynayso ciqaabta, sidee ayuu masuulku uga ciqaab yaraan karaa qofka caadiga ah? Taas inay is weydiiyaan ayey ahayd kuwii qodobkaas ciqaabihii ka dhalanayey caqli xumada u bedbeddalay. Horta Golahani ma fikiraanba? Qodobkaas oo iyaga toos u saamaynaya ayey bedbeddaleen, markaas ayey ciqaabtii iska fududeeyeen! Waxa aad is weydiinaysaa immisa qodob oo kale oo iyaga saamaynaya ayey tolow sidaas u bedbeddaleen? Waynu hubnaa oo xeerka waxa laga soo tahriibiyey Yurub’e. Golahan xilgudasho la’aan waxa ugu filan in ay qaateen xeer ay samaysteen ummado aynaan waxba wadaagin oo aanay weliba kala furin ee ay duuduubka ku ansixiyeen, waa haddii ay ceebi qabanayso’e.

Qodobka 14aad ee Xeerkani waxa uu sheegayaa in qofka meel mahwi ah isku dhex qaawiya isaga oo marada ka faydaya xubnihiisa taranku inuu leeyahay ciqaab xadhig ah oo saddex illaa lix bilood ah iyo ganaax lacageed. Marka laga yimaaddo inaanu xeerkan xubnaha taranka mooyee meel kale cawro u arag, waxa kale oo muuqata in aanu kala caddayn qofka is qaawinayaa ma qof miyir-qabaa mise waa qof waalan? Mar haddaanu kala caddayn, Xeerkani waxa uu ciqaabayaa illaa dadka waalwaalan. Sharcigu sidiisaba waa inuu caddaadaa, doodna ma noqon karto sidaas ayaa aan u jeeday, wax walba oo loo jeeday waa in ay qornaadaan, waa marka uu yahay sharci la gorfeeyey oo laga dooday’e, balse yaa ba ka dooday? Yaa wax iska weydiiyey? Horta ma la akhriyeyba?

Xeerkani waxa uu ku soo celcelinayaa erayga “oggolaansho” iyo erayga “raalli ahaansho”, labadan eray ayaa uu raacinayaa mar walba oo uu kufsiga sheegayo, waxa uu odhanayaa laba qof oo aan is oggolayn ama aan raalli iska ahayn, dambigana waxa uu ku xidhayaa is oggolaanta ama is oggolaan la’aanta labada qof. Haddii aan la is oggolayn waa dambi, haddii se la is oggol yahay balse aanu guur xalaal ahi dhex marin dambi ma aha. Laba qof oo aan guur xalaal ahi dhex marin balse is oggol haddi ay isu tagaan dambi ma ay gelin ayaa uu xeerku ina yidhi! Tan ku talax-tegi maayo oo culimada ayaa si wanaagsan uga hadashay.

Qodobbada qaar Xeerkan ku jira ayaan waaqicaba tafsiir looga helayn sida qodobka toddabaad ee sheegaya in qof uu qof kale ku khasbo kufsi isaga oo ay ujeeddadiisu tahay macaash lacageed, mid siyaasadeed ama mid bulsheed! Macaash lacageed garannay ujeeddadiisa, balse Macaashka bulsheed miyaanu ahayn magicii iyo maamuuskii? Qofka qof kufsi ku khasbay macaashka bulsheed ee uu innaga helayaa waa noocee? Magac iyo maamuus miyeynu siinaynaa? Horta macaashka bulsheed halkan maxaa looga jeedaa?? Macaash siyaasadeed ayaa inoo soo raacda’e, sidee ayaa looga helayaa qof kufsi lagu khasbay macaash siyaasadeed? Waxaasi waaqiceenna weligood ma ka dhaceen? Qodobkan tafsiir ma looga helayaa waaqica? Kuwii Xeerkan dhaameelka dhaafsaday ma inoo tafsiiri karaan qodobkan?

Xeerkani sida waraaqdii lagu soo saaray ansixintiisuba xaaladda dalka uga been sheegtay, wax aan jirinna u buunbuunisay, isaguna waxa uu buunbuuninayaa kufsiga isaga oo si dedban u dhiirri-gelinaya inuu kufsi dhaco. Hay’adaha qaranka, Laamaha caddaalada iyo dambi baadhista sida Garsoorka iyo Booliska, Golaha Wasiirrada ee xukuumadda, Xeer ilaalinta guud ee qaranka, Cisbitaallada iyo ururrada maxalliga ah idil ahaan waxa uu xilkooda ku soo koobayaa kaliya in ay ilaaliyaan, baadhaan, oo ay raadiyaan uun kufsi! Waa hab kale oo loo buunbuuninayo kufsiga, loogana been sheegayo xaaladda dalka. Waxaas oo hay’ad iyo wasaarad iyo dhakhtar ah waxa loo hawl-galinayaa kaliya inay ka wada shaqeeyaan kufsi! Markaas xaaladda dalku waa degdeg, daqiiqad walbana kufsi ayaa dhacaya weeyi macnaheedu! Waxa la samaynayaa Garyaqaanno u tobabaran kufsiga, dhakaatiir u tobabaran inay baadhaan qofka la kufsaday, Booliis u tobabaran inay baadhaan meel kufsi ka dhacay! Miyaanay ahayn ka badbadin iyo xaalad aan dalka ka jirin inay male-awaalayaan xerta ku mamtay burburinta dhaqannada bulshooyinka ee inoo soo dhex martay Golaheennii macaan-jecel! Arrimahan buunbuuninta ah waxa aad ka fahmaysaa qodobbada 20aad, 21aad, 22aad, 24aad, 26aad, 40aad, 41aad, 42aad, 43aad, iyo 44aad.

Gunaanadkii, dadka qaar ayaa marka Geel loo heeso iyagu Gorayo u heesa, lama diiddana in la sameeyo xeer lagu ilaalinayo xaqa gabadh la kufsaday oo maskax ahaan iyo jidh ahaanba loo dhaawacay, intaasna ay u dheer tahay in sharafteedii iyo sumcaddeedii gabadhnimo lagu tuntay, cid waliba waa ay jeceshahay in ninka sidaas yeela la mariyo ciqaabta uu mutaystay oo u dhiganta dambiga uu galay hadba inta uu le’eg yahay, balse waxa la diidayaa in la inoo soo tahriibiyo xeer aan waafaqsanayn diinta, dhaqanka, dastuurka, waaqica iyo guud ahaan qiyamka bulshada Soomaalilaan. Kaliya dooddu waa ha la sameeyo xeer waafaqsan diinta Islaamka iyo qiyamka bulshada ee ma aha yaan kufsiga xeer loo samayn sida ay dadka qaar bilaash-xaytayaal ahi meelahaas ka leeyihiin.

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com