Writen by Qaran News |

Ma is isweydiisay waligaa xidhiidhka ka dhexeeya dhirta iyo roobka?
Mase ka fikirtay muhiimadda ay dhirtu u leedahay dhiiri galinta roobka?

Meeliba meesha ay ka dhir badan tahay ayay ka roob badan tahay waa mid la ogaaday taa, ciddii u baahan arintaa iney hubisona si fudud ayay ku ogaan kartaa.
Saxarayaasha waa mid dabiici ah iyo mid bini aadamku sabab u yahay iyagoo geedaha ka dhameeyaa meelahaa oo u bedela saxaro aan waxba ka bixin.

Dhulkeena cidkastaa way ka war haysaa siduu ahaa wakhtiyadii hore iyo siduu yahay imika.
Faraq weyn baa u dhexeeya, oo imika wuxuu ku soo siqayaa dhul saxaro ah sidii loo gubayay ama loo jarayay dhirtii.

Hadaba ku soo noqo xidhiidhka ka dhexeeya dhirta iyo roobka.
Cilmi baadhistu la sameeyay ayaa tidhi ;
“Dhirtu waxay biyaha ka soo qaadaan dhulka waxaanay ku sii daayaan hawada. Sidoo kale caleemuhu waxay keydiyaan roobka soo daadanaya, ka dibna biyahaasi way uumi baxaan waxaanay sababaan Roob iyagoo ka da’a meel kale – is bedelladan noocan ah waxa loo yaqaanaa UUMI-GUURIS. Taasoo macnaheedu tahay in marka dhirtu ay hawada uumi ku sii daayan, ay sameysmaan waxaynu u naqaano daruur ( oo ah nooc uumi ah oo qaboobaaday) taasoo wareegta dabadeedna isku bedesha Roob ka da’ay masaafo kale”
Wey sii socotey cilmi baadhistu waxaanay tidhi;
“ Haddii la jaro dhirta waxay saameyneysaa isku socodka UUMI BIYEEDKA sababa roobabka”.
“ Bil caksi, haddii lagu beero geedaha/dhirta meelaha muhiimka, waxay sababi kartaa in Roobabku battaan”.

Markaa maxaa xal ah?
Inta badan dadkeenu waxay noqdeen kuwo aan caqligoodu shaqeynin oon kaba fikirin maanta wixii ku soo mara ee kadeed ah beri ka taxadir, kana gaashaamo sidii aad u yareyn lahad saameynteeda haddii ay ku soo marto xittaa.
Imisa sanno ayaynu maqleynay Abaar baa jirta?
Miyaanay joogsanba?

Abaartan mid joogsaneysa maaha, iney sii korodho mooyee. Waayo waxyaabo badan ayaa kulmay.
Dulmigii oo batay – danyartii ayaa waxay noqdeen ugaadh kolba kii awood lihi uu ku durduriyo. Kolna dhinacaa u jiidho kolna dhinacan.
Diintii illaahay oo laga fogaaday – dadka oon kale jecleyn xalaasha iyo xaaraanta.
Dhirtii oo gumaad ba’an loo geystay – iyadoo laga dhiganayo Xaabo, dhuxul wax lagu karsado iyadoo dadka jarayaa ay ka raadinayaan nolol maalmeed.

Xalku kuma jiro BARYO badan iyo in sanad kasta lagu muusanaabo “ Gaalo iyo ciddii ilaahay wax siisay noo soo barya”.
Ninka aad baryaysaa caqli ayuu keenay uu ku noolaado ee maxaa adiga kuu diiday inaad fikirto?
Maaha baahiyaha jira kolba in dusha laga dhayo oo amintaas uun sidii loo yareyn lahaa laga fikiro, haddii aanad bedeli Karin nolosha aad maanta ku nooshahay ogow Dameerka la rarto waxaad dhaantaa ma jirto, caqliga illaahay ku siiyayna waad ceebeysay.

Ceeb ka weyni ma jirto in Sanad kasta la idiin dawaro. HAA LA IDIIN DAWARO. Magacaad doonto u bixi, kol haddii tvyadii reer galbeedku sii deynayaan foolxumadaada iyo dar xumadaada miyaanay kuu dawarin? ( La idiin dawaro markaan leeyahay, waxaan ujeedaa inta aaney damqeynin waxan soo noqnoqdey ciduu doono ha noqdee).
Hala kaco, oo sidan ha la isku dhaamo.
Arintan Abaarta waxay u baahan tahay in si niyad ah loo wajaho iyadoo dadka caqliga lihi ka fikiriyaan.

Abdirizaq Hagi Dahir

Bibliography

Make it rain: Planting forests could help drought-stricken regions


http://permaculture-and-sanity.com/pcarticles/trees-and-the-water-cycle.php