Xidhiidhka kubadda cagta Morocco oo dacwad u gudbiyey FIFA

Kooxaha Faransiiska iyo Morocco
Image caption: Kooxaha Faransiiska iyo Morocco

Xiriirka kubbada cagta Morocco (FMRF), ayaa u gudbiyey dacwad xiriirka kubbada cagta adduunka ee Fifa, taasoo ku saabsan garsoorihii dhex dhexaadinayay kulankii Arbacadii ee afar dhamaadka koobka adduunka, uga adkaadeen xulka difaacanaya koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar.

FMRF ayaan ku faraxsaneyn in garsooraha reer Mexico ee, Cesar Ramos, uu ku guul daraystay inuu rigoore u dhigo qaybtii hore ee ciyaarta kooxda ka socotay Waqooyiga Africa, markii Theo Hernandez uu si khalad ugu gafay Sofiane Boufal, aagga lagu helo gool ku laadka.

Halkii lagu abaal marin lahaa rigoore, taasoo dhowr dhinac ay dareemeen inay ku habboon tahay, Ramos ayaa taa beddelkeeda jaale ku qaatay Boufal, oo qalad uu ka galay.

Kooxdii ugu horeysay ee Afrikaana, haddana dhanka kale Carab ah oo u gudubta heerka afar dhamaadka Koobka Adduunka, Morocco ayaa loogga badiyay 2-0.

Kadib markii uu qeybta hore uu u dhaliyay daafaca bidix Hernandez gool kooxda Faransiiska, halka goolka labaadna uu u dhaliyay Randal Kolo Muani, oo bedel ku soo galay.

“FMRF waxa ay u qortay hay’adda ay khusayso dacwad, taasoo ah inay dib u eegis ku sameyso go’aamadii garsoorayaasha, ee ka diiday kooxda Morocco laba rigoore oo aan lagu murmi Karin, marka loo eego aragtida dhowr garsoore oo takhasus u leh,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay guddiga xukunka ee Morocco.

“FMRF waxay si isku mid ah ula yaabtay in caawiyaha garsooraha ee fiidiyowga (VAR) uusan ka falcelinin xaaladahan.”