Writen by Qaran News |

Xiisad ka dhalatay Haweenay Meydkeeda laga helay magaalada Qabri-Dahare

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Qabri-Dahare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaa ay ka jirto xiisad ka dhalatay Gabadh 20 sano jir ah oo meydkeeda la helay.

Taysiir Cumar Maxamed oo ah gabadha meydkeeda la helay ayaa la sheegay in markii hore ay qabteen ciidamada maamulka halkaa ka jira, kuwaa oo markii danbe eheledeeda ku wargaliyay in gabadhoodii is dishay.

Waxaa la sheegay in xalay meydka gabadhan la la dhigay Cusbitaalka ciidamada ee ku yaala isla magaalada Qabri-Dahare, islamarkaana baadhitaan kaddib sida ay eheladu sheegeen ogaadeen in la dilay oo aysan iyadu gacanteeda isku dilin.

Maxamed Xiis oo adeer u ah gabadha ayaa sheegay la dilay, isaga oo beeniyay wararka sheegaya in ay iyadu is dishay.

Maamulka dowlad deegaanka Itoobiya wali iyagu wax war ah kama aysan soo saarin arinta ku saabsan muran iyo xiisada ka dhalatay geerida Taysiir oo markii nolal ugu danbeysay ku jirtay gacanta ciidamada.