Writen by Qaran News |

Xikmada Maanta:Laba Hogaamiye oo hore
Suudaan oo xaalad dhaqaale xumo ku jirta ayaa lacag Dayn ah Ka Qaadatay Liibiya.Bilo kadib ayaa Mucamar Qadaafi Suudaan ka dalbaday in diyaaradahiisa dagaalku dul maraan, si ay ugu gurmadaan Uganda oo ay xuduud isku hayeen Tanzaniya, balse Jacfar Al Namayri (Madaxwaynahii Suudaan) ayaa arrintaas ku gacan saydhay isaga oo ku sababeeyay in siyaasadda dalkiisu ayna ahayn fara-galinta dariska.
Qadaafi oo aad uga cadhooday go’aankaas, qaadana la’ ayaa Suudaan ka dalbaday inay dhaqso kusoo celiso dayntii. Jacfar Numayri TV-ga ayuu shacabkiisa uga warramay, waxuuna ka codsaday in qof walbaa hal shilin ku yabooho, si dalka karaamadiisa loo ilaaliyo, maalmo gudahood ayaana lacagtii lagu uruuriyay, Liibiyana loogu celiyay.
Qaadhankaa waxaa hal-hays looga dhigay; Shilinkii karaamada (قرش الكرامة) Numayri wuu heli karaayey inuu canshuurta iyo sicirka kordhiyo, wuxuusa ka door biday inuu si daacad ah shacabkiisa ula wadaago xaaladda dhabta ah ee dalku dhaqaale ahaan marayo.