Writen by Qaran News |

Hargeysa,(Qaran-news)- Gudoomiyaha sharci darada ah ee golaha wakiilada Mudane Bashe Faarax ayaa caawa dhamaan xildhibaanada golaha wakiilada fariin uu ka soo diray mobil-kiisa waxa uu ugu baaqay in ay maalinta bari ah isugu yimaadaan kulan aan caadi ahayn, xildhibaan Baashe oo lagu muranasayahay xilka gudoomiyada ee uu sheeganaayo oo badiba xildhibaanada golaha wakiiladu ayna u aqoonsanayn in uu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee golaha wakiilada ayaa caawa fariintani uu u diray ee uu isugu yeedhaayo xildhibaanada golaha wakiilada waxa ay xanbaarsantahay dhibkeeda iyo rabshadeeda iyada oo aan golahu ku midaysnyn xilka gudoomiyaha golaha wakiilada oo uu hore ugu guulaystay Cabdiraxmaan Tayanle, hase ahaatee hal ka mid ah codkiisuu uu ku guulaystay laga musuqay.

Yeedhmadani uu caawa dalbaday xildhibaan Baashe Maxamed Faarax waxa ay ku soo beegantahay kadib markii maanta gudoomiyaha maxkmada sare uu ka biyo diiday in uu dacwad loo gudbiyay uu ka gar naqo kadib markii xaga madaxtooyada culays xooga laga soo saaray, ma cada waxa uu maalinta bari ah la shir iman doono xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo ah xildhibaanka ay madaxtooyadu u aqoonsantahay in uu yahay gudoomiyaha golaha wakiilada.

Dhanka kalena waxa jira warar sheegaaya in ay xukumaddu doonayso in golahu uu bari doorto gudoomiye ku xigeen, taasi oo badiba xildhibaanadu diyaar u ahayn ilaa inta la xalinaayo khilaafka jagada gudoomiyaha rasmig ah ee golaha wakiilada, waxna maalinta bari golaha isugu iman doona golaha oo leh laba gudoomiye waxna ay arintani sii cakirin doontaa mashaqadii gacan ka hadalka ahayd ee todobaadkani ka dhacday golaha wakiilada taasi oo maalinta bari ah la filan karo is gacan qaad balaadhan oo kala diri doona golaha.

Ilaa hada ma jirto cid isku xil qaantay in ay dhex dhexaadiso goalah oo u kala fadhiya laba qaybood oo xoogan taasi oo iyana halisteeda leh