Xildhibaan Dhaliilay Guddi uu Magaacabay Guddoomiye Faratoon

Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Barkhad Hure oo ka mid ah Golaha Wakiillada ayaa Guddoomiye Faratoon ku dhaliilay in uu maanta guddidii uu u magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan is waafajinta labada doorasho iyo xeerka doorashooyinka ay ahaayeen xildhibaanadii isaga doortay.

Xildhibaan Barkhad Hurre wuxuu sheegay inay khalad ahayd in Guddoimiye Faratoon sheego inuu guddida 11ka xubnood ah ee uu magacaabay ku soo xulay reero, taasi oo uu ku tilmaamay inay ka baxsan tahay nidaamka shaqo ee Golaha Wakiilada.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in marka laga reebo Xildhibaan Guruuje iyo Xil. Mukhtaar Xasan Maydhane inta kale ahaayeen mudaneyaashii doortay Guddoomiye Faratoon ee ag fadhiyay shirarkii ololihiisa.