Xildhibaan Khadar Cali Xakiin ayaa qoray;
“Xukuumadda waxaan leeyahay kaddaaya xadhigan Xad dhaafka ah, wixii dhacay dhace, intii dhimatay masoo noolaanayso, inta dhaawacantayna ilaahay ha u boogo dhayo.
Xadhigu Xal maaha, Xadhigu Nabadgelyada waxba kama tarayo, Xadhigu wuxu biirinayaa Cadhada, wuxu sababi karaa in ficilo adag ay ku kacaan dhinyaradu, wuxu sababi karaa odhaahdii ahayd Rag Ciil Cadaab ka dooray, Xadhiga halajoojiyo, inta Xidhanna hala soo daayo, maba hayno meel aynu dadka ku Xidhno way buuxsameen Jeelashii.
Sidoo kale waxa waajib ah in raaligelin laga bixiyo ficilada aan siyaasadda waxba ka tarayn sida ficilkii Foosha Xumaa ee lagula kacay Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee ka dhacay Xabaalihii lagu assayey dhallinayaradii lagu laayey mudaharaadkii 11. August. 2022.
Tusan oo Tilmaaman.”
May be an image of 1 person and indoor