Writen by Qaran News |

 

Xildhibaan Mahad Maxamad Salaad oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa Raiisalwasaaraha Somalia ku ammaanay go’aanki uu iclaamiyey shalay ee uu cudur-daarka iyo raaligalinta isbarkan ka siiyey dawladda Isutagga Imaaratka Carabta lacagti xoogga lagaga aaday madaarka Muqdisho markay taariikhdu aheyd 6dii April 2018 iyo khashkhashaadi loo geystay diblomaasiyiintooda iyo waliba shaqaalihi la socday diyaaradi lacagta siday iyadoo uu sheegay in lacagtaasi si dhakhso ha dib loogu celin doono dawladda Imaaraatka.
Falkan oo ay geysteen ciidan ka tirsan Nabadsugidda Somalia ayaa markii uu dhacay waxay dawladda Somalia ku micnaysay mid ay lacag laga shakisanyahay in dalka lagu khalkaliyo kaga hortagaysay balse waxa markii dambe cadaadatay in lacagtu aheyd mushahar loo keenay laba ciidan oo kala ahaa ciidan ay Imaaraatku ku tababari jireen xeero ku taala Muqdisho iyo ciidamada badda ee Puntland.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay amarki uu Farmaajo xalay Twitterka u mariyey Guddoomiyaha Baanka Dhexe farayey in aan baanka laga saarin lacagtii Imaaraatka oo dib loogu celin karin dawladdi ahayd.Xildhibaab Mahad Salad oo arintan ka hadlayaa waxa uu yidhi
“Lacagta Imaaraadka markii horeba laguma soo qaban sifo sharci ah,hayadaha garsoorkana looma gudbin sharci ahaanshaha ama sharcidarada soo gelitaanka lacagtaasi oo waxa soo qabtay hayada Nabadsugidda.Baanka Dhexe ee lacagta hayaana waxa uu si toos ah u hoostaga hay’adaha Fulinta ee Raiisalwasaare Rooble madaxda ka yahay”.