Writen by Qaran News |

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Somaliland oo Gaadhig uu leeyahay Qoorta ka jaray,Qorina saaray,Maxaase wacay?

Ceerigaabo-(Qaran-news)-Sida ilo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warfidiyeenka Qarannews Xildhibaan Ibraahin Caraale Cabdi “Ibrahin Ruush” oo ka mida xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Sanaag ayaa Kurka ka jaray Gaadhi uu leeyahay,Qorina saarey qadiyadaas oo Ugub ku ah hab-dhaqanka Barlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Ibraahin Ruush ayaa Heyb ahaan ka soo jeeda mid ahaan Labada Beelood ee dirirtu ku dhexmarayso Degaanada Ceel-afweyn,Waxaana Xogguhu intaas ku dareen in xildhibaanku qeyb ka yahay soo noqnoqashada & Abaabulka Shaqaaqada dhiiga & Nafaha Badan Galaafatey ee Labada beelood ee Sacad yoonis & Biciido ka dhexoogan.

Ku darsoo Xildhibaan Ruush ayaa ah Xildhibaanka Beesha Boqor Buurmadow Boqoqrka u yahay