Xildhibaan si adag u duray Kaadiriinta Kulmiye ee M/weyne Biixi u soo xulay Komishanka Doorashooyinka 

Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa Muuse Biixi u sharaxay macnaha doorashooyinka iyo muhiimada ay leedahay hubinta xubnaha loo xulayo guddida doorashooyinka.
Xildhibaan Maydhane ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi:-
“Madaxweyne, doorashooyinku ma aha madadaalo. Waa tiir ka mid ah tiirarka nabadda ee dalka. Fadlan ixtiraam oo hubi dhexdhexaadnimada xubnaha aad u magacawdo Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Kuwii digreetooyinkaaga ku magacownaa inaad dhexdhexaadnimo meel u baahan aad usoo gudbisaa waxay muujinaysaa: 1) Inaad rabto natiijo diyaarsan; iyo 2) Inaad u aragto doorashooyinka wakhti-lumis, dan-seeg iyo bog ay tahay inay soo xidho Soomaaliland.
Mudaneyaasha Golaha Wakiilada waxaan usoo jeedinayaa inaynaan ku gacansiin Madaxweynaha wax wiiqaya kalsoonida doorashooyinka, maadaama ay yeelan karto cidhib xun oo isaga, inaga, iyo umaddu toona mahadin.