Xildhibaan ka tirsan Golaha Barlamaanka oo Shaaciyey in laga been abuurtay Isaga & Koox Xildhibaano kale

“Waa la iga been abuuray kuma jirin warqadaas xalay la soo saaray, waxa kale oo laga been abuuray Xildhibaanno kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan Walhad, oo ka mid ahaa Xildhibaannadii u codeeyey wax ka beddelkii Xeerarka, waxa kale oo ku jira Xildhibaan Maydhane oo halkan imika taagan, Jaamac Caanaboodhe oo fasax ku maqan, saxeex malaha waxna ma qori karo, Xildhibaan Yaasiin Faratoon oo fasax dheer ku jira, Aamin Saleebaan fasax ayuu ku maqan yahay, Guuleed Warsame laba jeer ayuu ku qoran yahay, tirade lagu buuxinayaa sida ka muuqata. Sidaas darteed arrimaha been abuurka ahi waa mamnuuc, anigu dembi ayaa ku oogaa ciddii been abuurkaasi iga samaysay”
Xildhibaanada laga been Abuuray:
1. Xildh.Yasin Xiir Faratoon
2. Xidh. Bile Cabdi Goohe
3. Xildh. Aamiin Salebaan Kulul
4. Xildh. Jaamac Axmed Oogle ( Caana boodhe
Xildhibaan Bille Cabdi Goohe
May be an image of 2 people, people sitting and indoor