Xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka degmada Oodweyne ee Xarunta gobolka Daadmadheedh ayaa si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga WADDANI.

Musharraxa madaxweynaha xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo ay weheliyaan Guddoomiye kuxigeen Maxamed X Yuusuf Waabeeyo ayaa qaabilay xildhibaannada oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiye.
Xildhibaannada xisbiga ku soo biiray ayaa kala ah
1. Mudane Maxamed Cabdi Cali (Fooxaali).
2. ⁠mudane Cabdixakiin Muxumed Ibraahim (Yaabsan)
3. ⁠mudane Cabdixakiin Axmed Ibraahim (Dhallaax).