Xisbiga Kulmiye oo khilaaf hor leh ka dhex qarxay.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee gobolka Saaxil ayaa xilal magacabay sidoo kalena xil ka qaadis sameeyay, waxa ku gacansaydhay Gudoomiye Ku-xigeenkiisa oo sharci darro ku tilmaamay magacabista iyo xilka qaadistaba isagoo Hakad galiyay xilalkii uu magacabay Gudoomiyaha uu ku-xigeenka u yahay.