Xisbiga UCID oo Badka soo Dhigay Tallaabo Xukuumaddu Qaaday oo sii Hurinaysa Sicir Bararka ka Taagan Somaliland
Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse ayaa sheegay in xukuumaddu ay sabab u tahay sicir bararka ka taagan dalka.
Waxa uu soo bandhigay warqad ay Xukuumaddu halkii foosto ee Shiidaal ahba ku saartay saddex doolar oo cashuur dheeraada oo ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyaddu.
Yuusuf Keyse oo qoraal dheer ka soo saaray arrintan ayaa walaac ka muujiyay saameynta adag ee ay shacbiga ku keenayso arrintani. Waxaanu qoraalkiisu u qornaa sidan:-
“Iyada awalba aynu ogayn xaalada baaxaadaga iyo Daalaa-dhaca Xukuumada Xisbiga Kulmiye ee Hogaamintii iyo taladii dalka la Ciir-ciirsa Xag6 Dhaqaale iyo Xag Dhaqaaale .
Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay iska Soo daba Dhacayay Fashilka Masuuliyadeed ee Xukuumadan, kaas oo Cidhiidhi Nololeed Galiyay Muwaadiniinta JSL gaar ahaan Danyarta .
Fashilaadaha ugu waawayn ee Xukuumadan waxaa ka mid .
> Sicir-bararka Xadhkaha Koostay ee Maciishada Iyo Shidaalka oo Mudooyinkii u danbeeyay kor u Socday
Iyada oo aynu xogogaal u nahay Qiimo dhac ku Yimid Shilinka Somaliland, taas oo Sababtay in ๐ญ๐ฌ๐ฌ ๐๐ผ๐น๐น๐ฎ๐ฟ ku sii Socda ๐ ๐ถ๐น๐๐ฎ๐ป ๐ฆ๐ต๐ถ๐น๐ถ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐ฎ๐ต
Hadaba Iyada Duruufahaas oo Dhami jiraan ayaa Nasiib daro Xukuumadii Mar Kale wareegto Soo Saartay ay ku amrayso ๐๐ผ๐ฟ๐ฑ๐ต๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ค๐ถ๐ถ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฆ๐ต๐ถ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ
Ugu danbayn waxaa marag-madoon ah oo Cadaatay Bulshada Somalilandna ay tahay in ku Baraarug sanaadaan In uu dalka ka socdo Sicir-barar ay Xukuumadu masuul ka tahay oo Cidna aanay joojin karin.”