Gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu soo saaray oo uu bartiisa Twitter-ka dhigay waxa uu rabshadii maanta ka dhacday ku eedeeyay xukuumadda Muuse Biixi waxana uu nasiib daro ku tilmaamay wixii dhacay, qoraalkiisa oo koobnaa waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan.
Laascaanood waxaa ka dhacay ayaandarro weyn oo ka turjumaysaa siyaasad-xumada xukuumadda.
Xisbiga WADDANI wuu ka soo horjeedaa in shacabka xabbad nool loo adeegsado. Dilkii Cabdi-Hadraawi iyada oo aan cid loo qaban, in lagu sii daro geeri iyo dhaawac kale waa guuldarro weyn