Writen by Qaran News |

Todobaadka Maanta soo gabo-gaboobay, ayaa noqday midkii ugu xasaasisan sannaadkan 2017-ka, gaar ahaan marka la hadlaayo arrimaha doorashadda fooda inaggu soo haysa iyo xaraarada loolanka Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE, oo marka loo eego Saddexda Xisbi u muuqda labada kooxod ee isku wajihi doona Ciyaarta u dambeysa ee faynalka oo ku began 13-ka November.

bilowgii todobaadkan ayey ahayd markii Musharraxiinta iyo xubnaha ugu tunka weyn labada ee WADDANI iyo KULMIYE Weerar ugu baxeen degmooyinka galbeedka, waqooyi, koonfurta iyo bariga gobolka Maroodi-jeex, iyo sidoo kale, Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Burco iyo degmooyinka kale ee gobolka Togdheer u ka kooban yahay, kuwasoo ujeedada safarkoodu ahaa mid la jaan-qaadayey bilowga wajiga labaad ee qaadashada Kaadhka codbixinta oo si rasmi ah 8-dii bisha uga furmay gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Ka sekow xaraaradda dareen bulshada Isbedel doonka ah iyo hebednimada bulshada kale ee kala taabacsan Xukuumadda iyo Xisbigeeda hoos-ka-tuuryaddu ka dhaxayso ee KULMIYE, waxa markii u horraysay si aan caad lahayn usoo shaac-baxay loolanka iyo xafiltanka kursi kala riixashada ee Musharraxiinta iyo madaxda WADDANI iyo KULMIYE, kaasoo midba midka kale aanu waxba ula hadhayn, marka la joogo goobaha iyo kulamada ay bulshada kula hadlayaan.

Haddaba, waxa xaalku noqday sida Hal-maqaarkii laga furay, kadib Xafladii daah-furka Kaadh qaadashada ee Gobolka Togdheer, wixii ka dambeeyey waxa labada xisbi iyo Musharraxiintoodu hoos-hoos u bilaabeen xod-xodashada, taageerada deeganada ugu jira Xisbi walba ajandaha shaxda u qarsoon ee Codadka guusha uu ka filayo.

Laba Xisbi KULMIYE iyo WADDANI oo marka laga reebo labada Musharrax ee u taagan Kursiga Madaxtooyadda waxa labada dhinac midba gaarkiisa usoo xulay Ciyaar-yahanada u safan doona Ciyaarta ka dhacaysa gobolka Togdheer. Tusaale ahaan Xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE waxa afka hore ee Ciyaarta u dhigay ciyaar-yahanada kala ah Wasiirka hawlaha guud Cali maxamed Xasan (Cali Mareexan) afhayeenka Xibsiga KULMIYE Xasan Gaafaadhi, Agaasimaha Maamulka ee Koomishanka AIDS-ka ee qaranka Cabdikariin Xinif, Maareeye ku-xigeenkii u dambeeyey ee Dekedda Berbera ka hor intii Shirkada Dp World aan lagu wareejin maamulka iyo gacanku haynta dekedda Berbera.

Geesta kale, Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa isna dhankiisa waxa uu Ciyaarta gobolka Togdheer usoo xulay Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda, ahna hoggaamiyaha WADDANI Xirsi Cali X. Xasan, Muniir Axmed Cigaal kaaliyaha Warfaafinta Mushararaxa WADDANI, Gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee WADDANI. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Maxamed Farax Qabile. Ciyaaryahanada labada xisbi soo kala xuleen oo marka si loo eeggo ka turjumaya inay hormood u yihiin taageerada labada dhinac ka filayaan inay doorashada ka helan deegaanada labada Musharraxba Codadkooda shiishayaan, waxa koox waliba dhankeeda bilowday qabashada xaflado iskugu jira taageerayaal cusub oo kusoo biiray iyo kuwo dhiirigelin ah, xafladaha ay soo agaasimeen labada dhinac ee ciyaarta loo xulay, ayaa Xisbi walba gaar kiisa munaasibadahaasi waxay u ahaayeen Khayriyadda ama faggaaraha keliya ee ay u haysteen fursadaha hadalka iyo fariimaha ay u kala dirayaan Taageerayaashooda iyo bulshada-ba.

Sidaas darteed suurtagelinta arrinka munaasibaduhu waxay Gobolka Togdheer ka noqotay arrin adag oo aan dhib yareyn. Tusaale ahaan ciyaaryahanada Siyaasadda ee WADDANI waxa ay gobolka Togdheer ka soo hooyeen guulo waaweyn marka la barbar dhiggo wax yaabihii u qabsoomay xubnihii Ciyaarta ugu jiray Xisbiga KULMIYE. Xubnaha WADDANI waxa u suurto galay oo muddo kooban ay ku qabteen shan Xafladood oo Daahir-yaa Shamis ah, kuwasoo ay u qabteen Taageerayaal horleh, oo kala ah sidan.

Xafladii Beesha Aadan Madoobe, xaflada Ururka dhalinyarada Mahiigan oo labaduba kusoo jeedan Deegaanada bariga Burco, iyo sidoo kale Xaflada Macalimiinta iyo aqoonyahanka gobolka Togdheer, Xaflada Beesha Dhogori, Xaflada Beesha Cabdale qoyan oo iyana kasoo jeeda deegaanada waqooyiga iyo qaybo kamid ah koonfurta Gobolka Togdheer. Docda kale, Xisbul-xaakimka KULMIYE oo dadka taageera qaarkood aad u salluugeen jawiga iyo qaabkii hawgalka ciyaaryahanadooda, waxa ku adkaatay inay soo bandhigan xaflado lamid ah kuwa dhigooda WADDANI, waxana intii ay Magaaladda Burco ku sugnaayeen u suuro galay qabashada laba xafladood oo keliya, taasina waxa ay noqotay mid aad u wiiqday guud ahaan sumcada iyo rajadii Xisbiga KULMIYE.

Marka laga yimaado dhaawaca Siyaasadeed ee gobolka Togdheer kasoo gaadhay Xisbiga KULMIYE waxa kaloo, falaadh ku noqotay Xisbul-xaakimka iyo taageerayaashiisa hadalladii aan kala go’a lahayn sida Mishin-ganka buux-dhaafiyey qaybaha Warbaahinta iyo baraha bulshaddu ku xidhiidho ee ‘Facebook’, waxa kamid ah hadallada Bulshada dhexdeeda halku dhigga noqday ee kasoo yeedhayey Siyaasiyiinta WADDANI. “..Waxaad arki doontaan dadkiina ehellu sharafka ah ee Maanta halkan fadhiya, berito inta KULMIYE dhowr qof uu soo ururiyo la yidhahdo hadla, dabadeedna ay yidhahdaan haddanu nahay beel hebel waxaanu u xidhan nahay cid gaar ah. Arrintaa waxaan u aqaana buul-siyaasadeed, waxan uga jeeda waad aragteen bulal-been-been ah oo Magaalooyinka laga sameeyo oo Hay’adaha Lacag lagaga qaato….Car waa Nin-ka soo hela Muuse Biiix saddex sawiir oo uu qoslayo …. Ciise Muusow, idinku Jeeganta Kuma Jirtaan, ee jeegaantu waa Beesha aan kasoo jeedo iyo Beesha Muuse Biixi kasoo jeedo..”. Sidaana waxa yidhi hoggaamiyaha WADDANI Xirsi Cali X. Xasan, halka dhigiisa Xisbiga KULMIYE Wasiir Cali Mareexan Munaasibadihii u suurto galay uu ka jeediyey khudbado aan nuxur buuran lahayn, kuwaasoo si ka baxsan asluubta luuqada siyaasadda u ugu duraayey Musharraxa WADDANI iyo siyaasiyiinta Xisbigiisa ee ay iska soo hor-jeedan, waxana kamid ah hadalladiisii, “…Ma jirto cid ku biirtay Xisbiga WADDANI, waxa ay xafladaha u qabanayaan Caruur iyo dad yar-yar….Car bal Xisbiga WADDANI Musharraxiisu dood hala galo Musharraxayaga Xisbiga KULMIYE..”.

Sidoo kale, weedhaha aan ka dhicin Lidka Diyaaradaha ee Siyaasiyiinta WADDANI gobolka Togdheer ka rideen waxa iyana kamid ah, “..Ciise Muusow Wallaahi Nin-na Intuu ku jiro kuma soo dhaafo, haddaynu nahay reer Saaxil waxa dad inoogu dhow Beesha Cabdiraxmaan Cirro. Salla-calee waxaynu tabanaynay oo dhan isagga ballaan-qaaday oo wanaajinaya. Gudoomiye, Madaxweyne waxa halkan ku fadhiya oo Taageeradooda diyaar kula ah, waa Beelaha dhogori, Cabdale qoyan..”. Sidaasna waxa yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Dhanka kale, olollaha gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI waxa si weyn uga dhex muuqday Gudoomiyaha-ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo isna Khudbad taarikhi ah ka jeediyey xarunta Gobolka Hawd ee Bali-gubadle, waxana hadalladiisii kamid ahaa. “…Waxaad tihiin dad aan aarsan aqoon maanta Rasaasi ma taalo waxaad ku aarsanaysaan waa Fartiina iyo Codkiina, hadaad’se Kaadhka qaadan waydaan Nin-na waxba ma tari kartaan, waxa la yidhi Badh-tire Buuga Kuma Yaal, idinna waxaad noqonaysaan Arab Buugga Kuma Yaal”.

Saffarada sansanka ollolaha Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ku gala bixinayan gobolka Togdheer oo hadda galay wejigii labaad, ayaa weli labada Musharrax iyo Madaxda Xisbiyadoodu waxay socdaal ku marayaan degmooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan dhinaca Hawdka, iyagoo bulshada deegaanada ku wacyigelinaaya qaadashada Kaadhadhka.

Yool