Xisbiga WADDANI Oo beeniyey inay kulan gaar ah ka dalbadeen Madaxweynaha

Hargeysa(Qaran-news)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa caawa ka hadlay asbaabaha dib u dhigay kulankii maanta lagu soo gabogabeyn lahaa wada hadalladii u socday Xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumadda.

Waxa kaloo Guddoomiye Xirsi beeniyey in WADDANI uu kulan gaar ah ka dalbaday Madaxweynaha. Waxaanu sidaa ku sheegay qoraal uu ku daabacay Facebookgiisa oo u qornaa sudan:

“Waxaa socday maalmahan wadahadal u dhexeeyay xisbiyada macaaradka ah iyo xukuumadda oo ay dhexdhexaad ka ahaayeen labada Guddoomiye ee golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Kulankii maanta waxaa baajiyay labada Oday, mana jiro kulan gaar ah oo Xisbiga Waddani ka dalbaday Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, haba yaraatee. Waxa aannu gartayadii oo Af iyo qoraalba ah u dhiibnay Odayada dhexdhexaadka ah, iyaga ayaannuna ka war sugaynnaa berrito, insha allaah.”