Xisbiga WADDANI oo ka Hadlay Hadal Deelqaaf ku ah Awdal oo ka soo yeedhay Wasiir Cali Mareexaan
Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Xisbiga WADANI ee gobolka Awdal Rooble Muuse Xoosh ayaa sheegay in sanadan u dambeeyay ay biyo yaraani soo foid saartay magaalada Boorame.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in mashruucii biyo ballaadhinta galbeedka Boorame uu socday muddo toddoba sannadood ah isla markaana aanu ku wada filnayn magaalada oo uu tilmaamay in qaybo badan oo ka mid ah ay booyado u dhaamiyaan.
Guddoomiye Muuse Xoosh waxa kaloo uu deelqaaf ku sifeeyay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Biyaha Cali Mareexaan oo sheegay in reer galbeedku ay indha isku qabtaan marka wax loo qabto.
“Wasiirka Biyaha Waxaan leeyahay in aad si liidnimo ah u tidhaa ‘reer Galbeedku indhahay isku qabtaan marka wax loo qabto’ xaq uguma lihid reer Awdal,” ayuu yidhi
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobolka Awdal Rooble Muuse Xoosh.