Xisbiga WADDANI oo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu ku Mashquulsan Yahay sidii uu neesha uga saari lahaa Xubintooda Komishanka
Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI Maxamuud Aadan Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu ku mashquulsan yahay sidii uu meesha uga saari lahaa xubinta komishanka Doorashooyinka.
Xoghayuhu waxa uu sheegay in xisbi ahaan aanay aqbalaynin in guddi uu iska xushay madaxweynuhu loo diro inay baadhasn komishanka Doorashooyinka.
โMadaxweynaha waxa ku taagan oo kaar ku haya xubinta Komishanka ee Xisbiga WADDANI oo uu guddi u saaray annagana waxa kaar nagu haya arrintii ciidanka Qaranka ee aan ilaa hadda,”ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta Maxamuud Aadan Jaamac Galaal.
Mr.Galaal wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu siyaasad xumo u jabiyay cuddudii ciidanka Qaranka Somaliland.
Waxa kaloo uu intaas ku daray in mafaxweynuhu weli hor istaagi kari la’yahay ciidammadii qaranka.