Xisbiga Waddani oo shaaciyey inay qaadanayaan Tallaabooyin lagaga hortagayo carqaladeynta Xukuumadda ee Doorashada

Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga Waddani ayaa sheegay inay qaadanayaan tallaabooyin lagaga hortagayo carqaladeynta ay Xukuumaddu ku hayso arrinta doorashada madaxtooyada ee lagu waday inay 13 November ee sanbadkan ka qabsoonto Somaliland.

Sudaasna waxa lagu sheegay war ka soo baxay Xisbiga Waddani oo u qornaa sidan:-

“Shir Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI ku yeesheen maanta Xarunta Dhexe ee Xisbiga.
Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Musharrax Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo Mudane Cabdiqaadir Jirde ayaa Guddida Fulinta warbixino ka siiyay marxaladda siyaasadeed ee dalku galay iyo qorshaha Xisbigu ku wajahayo.
Xubnaha Guddida Fulinta ayaa dhankooda dood wadaag iyo falanqayn dheer ka yeeshay xaaladda cakiran dalka iyo sidii looga samata-bixin lahaa.
Kulanka ayaa laga soo saaray go’aammo muhiim ah oo xisbigu ku wajahayo jid-gooyada iyo carqaladaha xukuumadda KULMIYE hor dhigayso doorashada Madaxtooyada ee 13 November qorshaysan.”