Xisbiga WADDANI oo Shir ku Falan-qeeyay Arrimo Masiiriya
Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta xaruntiisa ku yeeshay shir ay kaga arrinsadeen qoddobo masiiri ah.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo xisbigu baahiyern, hase ahaatee wax faahfaahin ah lagama bixin qoddobadaas ay sheegeen inay shirkooda ku gorfeeyeen.
Qoraalka xisbigu bartiisa Facebook ku baahiyayna wuxuu u qornaa sidan:-
“Hoggaanka iyo Guddida Fulinta ee xisbiga WADDANI ayaa maanta shir ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Kulankan ayaa lagu gorfaynayay arrimo masiiri ah oo ku aaddan mawqifka xisbiga ee arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka ka taaggan.”
Xisbiga WADDANI ayaan war ka soo saarin ila imika doorashada ururrada ee xukuumaddu dabada ka riixayso ee ay soo saareen xunbaha Komishanka ee Guurtidda iyo Xukuumadda Muuse soo saareen. Xisbiga WADDANI ayaa ku hawlanaa wada-tashiyo uu la yeelanayey qaybaha kala duwan ee taageereyaashooda