“Xisbigii kulmiye ee ay tageeri jireen dadkayagu Maanta yahay mid shimbiro ka dhex heesayaan” Rooda Abdi Muuse, Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Ogaal
“Waxaa xalay noo qabsoomay kulan aniga iyo gudoomiyaha uruurka mideeye cismaan badmaax
Kulankan diyarintiisa iyo casuumada waxaa lahaa gudoomiyaha ogaal rooda. Kulanka ayaa daarnaa sidan
1) in la dardargaliyo sidii ay isu diwaangalin lahaayeen degaamada aanu ka soo jeedno guud ahaan
2) in siyaasada degaanka aanu ka soo jeedno noqdo mid aanu hogaankiisa hayno ,
3) in xisbigii kulmiye ee ay tageeri jireen dadkayagu
Maanta yahay mid shimbiro ka dhex heesayaan, oo lagu halayn karin masayrka dadkayaga iyo diwaangalintoodii baaxada lahayd . Iyo dorashadoodiie muga iyo muuqa waynayd.
4) labada masuul ayaa isla qaatay in madaxwaynaha qaran ka muse biixi qaatay doorkiisii kulmiye iyo kiisa mudo xileed ba. Isla markaana aanu lumin karin masayrka iyo codka dadka yaga.
5) Masuul ka ogaal rooda ayaa aaminsan 7 sano axmed silaanyo iyo kulmiye jogeen iyo 5 sano muse joogay, waxaa la daydayayaa siyaasadii , dhaqalihii , hogaamintii , taladii iyo horuumarkii degamada aanu ka soo jeedno
6) ugu danbayn kulamadan ayaa sii socon doono Laguna abaabuli doonaa in aany degaamadani dib ugu hungoobin xisbigii kulmiye, ee islamihiisiii xataa ka huleeleen, loogana tagay talada xun iyo xubno xileed xunka , Iyo cayda bahdulka , birmagaydada dalka
NB:
Tagerayaasha ogaal
Markaad kulankan aragtaan ha moodin isku biirid OGAAL waxay ku tartami doontaa xisbi qaran lkn waxaan ka tashanaynaa dadkayaga oo uruuro leh in aan meel madow lagu sii haynin hawshaasina ogaal iyo mideeye u taalo …………………. Guul”
Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Ogaal Rooda Cabdi Muuse