Kulan habka maqalka iyo muuqaalka ah (video conference) uu Wasiirka Horumarinta Caalamiga Ah ee Boqortooyada Midowday(UK) uu la yeeshay Muuse Biixi ayay Madaxtooyadu qoraal ka soo saartay.
Qoraalkaasi kama turjubayn xaqiiqada kulankaas lagu wada hadlay ee wuxuu ahaa wax shacabweynaha lagu majara habaabinayo oo laguna hadoodilayo halka ay xukuumaddani gaadhsiisay cilaaqaadkii wanaagsanaa ee ay Somaliland la lahayd beesha caalamka.
Qoraalka uu Wasiir Andrew Mitchell bartiisa Twitter ku qoray ayaannu halkan ku soo turjunnay waxaanuu qoraalkaasi soo gudbiyey hadalkii uu Muuse Biixi ku yidhi Wasiirku iyo dareenka ay dowladdiisu qabto.
“Waxaan la hadlay Madaxweynaha #Somaliland Biixi oo aan u gudbiyey werwerka colaadda Laas Canood iyo dib u dhaca doorashada aanu ka qabno. Fursad dhaqaalo kobcin oo weyn bay Somaliland leedahay -laakin xasilooni iyo daganaansho uun bay ku guulaysan kartaa. Xabbad joojin iyo qorshe doorasho oo degdeg ah waa in la dejiyaa.”
Xildhibaan Andrew Mitchell
Wasiirka Horumarinta Caalamiga Ah -UK
Qoraalkani wuu ka duwan yahay qoraalka ay Madaxtooyadu soo qortay ee dadka laga dhaadhicinayo.
Mahmoud Adam Jama Xoghayaha War Faafinta ee Xisbiga WADDANI.