Xog ku saabsan Ceelkii uu Nebi Muxamed ” NNKH” dalbaday in meydkiisa lagu meydho & Goobo kale oo taariikhi ah

Masjidka Abuu Bakar Al-Siddiiq

In ka badan 100 goobood oo ku yaalla magaalada Madiinah oo xiriir la leh xilligii noloshii Nebi Muxamed NNKH iyo dhacdooyin kale oo muhiim u ah taariikhda Islaamka ayaa dib loo soo celin doonaa, lana horumarin doonaa, taasoo qeyb ka ah mashruucyo saddex sano ah oo ay mas’uuliyiinta Sucuudigu ku dhawaaqeen isbuucan.

Mashruucyada ayaa socon doona illaa sanadka 2025-ka.

Mashaariicdan oo xariga looga jarayay xaflad uu daah furay guddoomiyaha gobolka Madiina Amiir Faysal Bin Salmaan ayaa waxaa ka mid ah dib u habeyn lagu sameeyay goobtii uu ka dhacay dagaalka ceelka Al-Faqiir iyo Masjidka Al-Qiblatayn.

Sidoo kale waxaa la saxiixay heshiis dib u dayactir loogu sameynayo ceelka Cuthmaan bin Caffaan iyo fagaaraha Sayed Al-Shuhada.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Horumarinta Gobolka Al-Madiina, Hay’adda Dhaqanka Sacuudiga, iyo Barnaamijka Waaya aragnimada Xujeyda ayaa sidoo kale waxa ay ku dhawaaqeen in 8 Goobood oo ah Taariikhdii hore ee Islaamka ee Madiina, dib u habayn lagu sameyn doono.

Tawfiiq Al-Rabiah Wasiirka Xajka iyo Cumrada ahna Guddoomiyaha Guddiga Taariikhda Islaamka ayaa u mahad celiyay Guddoomiyaha Gobolka Madiina, wuxuuna sheegay in Guddi ahaan ay ku dadaalayaan sidii in la ilaaliyo Hiddaha Islaamka.

Goobahaasi la dayac tiray oo muhiimka u ah taariikhda Islaamka waxaa ka mid ah:

 Masjidka Al-Ghamama

Waxa uu ku yaallaa meel u dhow Masjidka Nabiga, waxaana dhisay Cumar bin Cabdul Casiis, waxaana salaad ciidda iyo mid roob doon ku tukaday Nebi Muxamed(NNKH). Sidoo kale goobtaas waxaa sida Nebiga si lamid ah u isticmaalay Cuthmaan bin Caffaan.

Masjidka Abuu Bakar Al-Siddiiq

Waxaa loo dhisay qaab cajiib ah, waana goobtii labaad ee uu Nebi Muxamed ku tukaday salaadda Ciidda intii uu noolaa.

Abu Bakar Al-Siddiiq ayaa isna halkan ku tukaday salaadda ciida, sidaas ayuuna magaca misaajidka loogu magac daray. Waxaa masjidkan dhisay Cumar bin Cabdul Casiis.

Masjidka Cumar bin Al-Khattaab

Wuxuu ku yaalaa Al-Musallah, masaajidkan waxaa loogu magac daray Cumar bin Al-Khattab, saxaabigii labaad ee Khulaafaa Rashiduun.

Masjidka Al-Saqiya

Magaca masjidkan wuxuu ku baxay sabab la xiriirta inuu ku yaallay meel u dhow ceelka Saqiya.

s

Masjidka Banu Anif

Waxaa markii hore laga dhisay dhagax laga helay folkaano ka qaraxday koonfur galbeed masjidka Al Quba. Laba mitir oo darbiyadiisa ah ayaa ka haray masjidkan ka hor inta aan la dayac tirin.

Ceelka Ghars

Ceelkan waxaa biyo ka dhaansan jiray Nebi Muxamad NNKH. Wuxuu dalbaday in marka uu dhinto in meydkiisa lagu dhaqo biyo laga so dhaamiyay ceelkan ka hor inta aan la xabaalin.

Masjidka Al-Rayan

Waxaa dhisay mid ka mid ah asxaabta Cumar bin Cabdul Casiis, wuxuuna ka dhisay goob uu ku tukaday Nebiga mar uu kormeerayay dhufeys ay Muslimiinta qodanayeen si ay isu difaacaan.