Xog ku saabsan kulan maanta dhexmaray Madax-dhaqameedka & Wasiirada Xukumada Muuse Biixi kaga jira Beesha Bariga Burco.

Waxaa maanta qadadii Hotel Casood ee magaalada Hargaisa ku kulmay xubno ka mid ah Salaadiinta beesha barriga Burco iyo wasiirada xukuumadda madaxweyne Biixi ee isla beeshaasi ka soo jeeda, kulanka ayaa daarranaa casumaad uu Madaxweyne Biixi u soo diray beeshaasi,
Xubnaha Salaadiinta Beesha Barriga Burco ee Hargaysa ku sugnaa ayaa dhinocooda u sheegay wasiiradda in muddo hal bil ah oo ay dhamaan Madax-dhamaqeedka beeshu ku sugnaayeen Hargaysa si ay ula kulmaan Madaxweyne Biixi uu Madaxweynuhu ka war-wareegay taas oo keentay in badi salaadiintii beeshu dib ugu noqoto deegaamadoodii, sababtaas darteedna aanay ula kulmi karin Madaxweynaha waqtigan maadaama ay kala maqanyihiin.
Wasiirada oo isku dayay in ay ku cadaadiyaan kulan dhex mara beesha iyo madaxweynaha ayaa ugu danbayn faro-madhan kala soo noqday kedib markii ay salaadiintu ku adkaysteen in aanay la kulmi karin madaxweynaha iyagoon la tashan salaadiinta maqan.