Xog-siin: Khilaafyada huursan ee Gudaha Golayaasha iyo Xukuumada dhexdeeda + Xalka Mucaaridka

Qorshaha  MW Muuse waa inuu Guurtida kala diro marka ay muddo kordhin u sameeyaan, madaama waqtigoodii dhamaad yahay. Saleebaana Ma ogola in Muuse dalka kelidii uu hadho oo in Guurtida muddo kordhin loo sameeyo ayuu rabaa. Mana jirto hab la og yahay oo Guurtida muddo kordhin loogu samayn karo. Mid Gudoomiye Saleebaan waa ku saxan yahay oo qorshaha uu MW wato waa dhamaystirka damaciisii keli telisnimo oo waa in aanay taa Guurtidu ka yeelin.
Dhanka kale, Madaxwayne-ku-xigeenka dalka ayaa, guushii William Ruto kadib, raba inuu isku taago madaxwaynenimada dalka oo uu Kulmiye murashax ka noqdo taas oo culays ku soo kordhisay madaxwaynaha oo isna raba waddo kasta oo Madaxwayne-ku-xigeenka ku amba-bixin karo ayuu samaynayaa. Waxaa MW wadaa inu madaxwayne-ku-xigeen cusub samaysto madaama buu ku doodayaa uu labadiisii goor dhamaystay Saylici. Saylici ayaa isna dhankiisa aan taba ka doodin’e leh waan dalacayaa oo waxaan doonayaa inaan noqdo madaxwaynaha kaa dambeeya oo waan sharaxanahay.
Khilaafyadan gudaha xukuumada iyo Golaha guurtida gaar ahaa gudoonkooda; Khilaafka Mucaaridka iyo Muxaafidka iyo xaqiiqada ah in dhamaan hay’adihii qaranka uu ka
wada dhacayo waqtigii iyo liisankii marka laga reebo Golaha Wakiilada ayaa ah halista ugu wayn ee dalka soo waajahday xili muddo-xileedkii MW 40 maalmood ka hadheen.
Wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerarka loo gudbiyay Guurtida ee mucaaridku diyaariyeen ee badbaadinta qaranka, Madaxwaynuhu waa soo dhaweeyay oo suuryo uu qoorta uu iskaga xidhay bay ka furaysay waxaa se hor istaagay Gudoomiyaha Guurtida oo og in golihiisa iyo MWaynuhuba uu ansixinayo. Waxaa jiray Wasiiro la kulmay xubnaha deegaankooda kaga jira Golaha Guurtida oo ku wargeliyay iney u codeeyaan xeerarka isku-sidkida doorashooyinka (Dabcan iyagoo ururadana ka dhuumanaya wasiiradu).Mucaaridku guud ahaan, gaar ahaan Golaha Wakiiladu, waxay keeneen xal ay u soo istaageen muxaafidkii mudakarka ah, MW laftiisa iyo guud ahaan dadka reer Somaliland.
Allaa Mahad leh
Xamse Cabdiraxman Khayre