Xog & Warbixin Xiiso leh!

Doorashada ururada ee uu Muuse xoogga iyo xoolaha ba ku bixinaayo, ee Somaliland oo dhan qaska u geliyay, muraadka uu ka leeyahay si wacan baa la isu la wada fahamsanyahay, in la diido na waa waajib diineed, mid wadaniyadeed iyo mid akhlaaqeed intaba! Sababta loo diidayaa ma aha uun in ay sharci darro tahay oo keliya, mid ka sii muhiimsan baa dheer – waa in cidda wadataa ay Muuse tahay. Labadaas sababood, oo weliba ta dambe ay sii muhiimsantahay ayay tahay in aan sheekada ururada loo yeelin. Qolada ku doodaysa Waddani koleyba wuu soo baxayaa, xataa hadii doorashada ururada la aado, ee haatan uu ku biiray Xil Guruuje, xisaab weyn baa ka gadman.

Doorashada ururada oo dookha iyo rabitaanka Muuse ku dhisan, waxa maamulaaya todoba guddi ah oo wada Kulmiye ah, cidda uu rabo in ay shaandhadooda soo dhaafto na, imika oo aan doorasho haabkeedba la haynin ayay meel u gu qorantahay. Kulmiye tartanka iyo tirada midnaba ku ma jiro, xataa hadii aanu hal qof u foodin waa banaanka, waxa la ga hadlayaa na waa labada xisbi ee kale cidda la ga dhigaayo, waana la go’aamiyay already. Sababta la gu soo baxaayo amma la gu dhacayaa ma aha sida codka dadweynaha loo ka la helo. Taasi waa xaqiiqo biyo ka ma dhibcaan ah. Qofka taas aan sidaas u fahamsanayn, amaba in yar oo shaki ahi ka ga jirto, waxa haya xanuun aan magaciisa iyo dawadiisa toona la aqoon. Besba.