Xog xasaasi ah oo ku saabsan ninka loo heysto weerarkii Salmaan Rushdi

Haadi Matar

Booliska Mareykanka ayaa sheegay iney aqoonsadeen ninki galbeedka New York ku weerayay Salmaan Rushdi iyo nin masraxa kula sugnaa.

Ninkan oo ay boolisku magaciisu ku sheegeen Haadi Matar oo 24 jir ah wuxuu ku dhashay magaalada California balse dhawaan ayuu u soo wareegay gobolka New Jersey.

Halki ugu dambeeyey uu Haadi dagganaana wuxuu ahaa Fairview oo ka tirsan xaafadda Bergen ee magaalada Jersey.

Ciidamo ka tirsan FBI-da waxay gudaha u galeen guriga uu Haadi degganaa si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan.

Boolisku waxay intaa ku dareen leysan darawal oo been abuur ah inuu Haadi ka qatay gobolka New Jersey magaca ugu qoranna uu yahay Xasan Mughniyeh.

Taliyaha Booliska New York Eugene Stanicowski wuxuu warbaahinta u sheegay sababta weerarkaasi ka dambeysay inaan weli la ogaan.

Xubin ka mid ah baarayaasha kiiskan gacanta ku haya oo u warramay warbaahinta NBC wuxuu sheegay dib u eegis hordhac ah oo lagu sameyey cinwannada Haadi uu ku lahaa baraha bulshada in lagu ogaaday inuu ka mid yahay Shiicada mayalka adagoo ee u jajnjeerta ilaalada kacaanka Iiraan.

General Qaasim Suleymani iyo Haadi Matar

Xiriirka gaarka uu Haadi la leeyahay Ilaalada Kacaanka Iiraan inkasta oo aan weli la ogeen, baaritaanka hordhaca oo la sameeyey waxaa lagu ogaaday inuu aad ula dhacsan yahay nidaamka kacaanka Iiraan.

Waxaana taleefanka gacanta Haadi qaybtiisa farriimaha laga helay sawirra ay wada galeen Haadi iyo taliyihi ciidamada kacaanka Iiraan Qaasim Sleymaani oo 2020-ki la dilay.

Ilaa iyo haddana ay jirin cid kale oo weerarka gacan ku siisay oo la tuhmaya weerarkaasina uu Haadi keligii ku yahay.

Haadi halkuu asal ahaan ka soo jeedaa?

Haadi Matar wuxuu ku dhashay dalka Mareyanka waaliddiintiisuna waxay ka soo jeedaan dalka Lubnaan gaar ahanna tuulada Yaroun oo koonfurta dalkaasi ku taalla iyaga oo qoxootinimo Mareykanka ku tagay.

Wuxuuna ka soo jeedaa qoys aaminsan madhabta Shiinacada mayalka adag oo ku nool dalka Lubnaan.

Guriga Haadi Matar

Hanjabaadaha dil ee Rushdi looga hanjabay?

Qoraaga caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya Salmaan Rushdi ayaa sannado la kulmayay hanjabaado dil ah oo loogu hanjabayo buuggiisa uu ugu gefay Nabi Muxmed N.N.K.H, ee u bixiyay ‘Aayadaha Shaydaanka,’ oo dadka Muslimiinta caalamku u arkeen meel ka dhac uu u gaystay diinta Islaamka.

Sanad kadib markii la daabacay buuggaan ayaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Cali Khumeyni wuxuu ku baaqay in la dilo Rushdi isla markaana waxaa uu ku yaboohay in ciddii howshaas fulisa la siinayo lacag dhan saddex milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Balse Mr Rushdie buugiisii afaraad oo ciwaan uga dhigay Aayadaha shaydaanka oo uu ku af-lagaadeyay diinta Islamaka uu ku qasbay in muddo sagaal sano ah uu is qariyo.

Buuggaan markii uu faafay wuxuu carro ka dhaliyay dunida Muslimka maadaama lagu af-lagaadeeyay diinta Islaamka,waxaana laga mabnuucay qaar ka mid ah dalalka Islaamka.

Masaraxa lagu weeraray Rushdi

Weerarka lagu qaaday Rushdi

Salmaan Rushdi oo ah qoraa ku guuleystay abaalmarinno badan oo dhanka buugaagta ah ayaa lagu weeraray masrax ku yaalla gobolka New York.

Ninkaan Ku guuleystayaasha abaalmarinta buugaagta, wuxuu ka hadlayay munaasabad ka dhacday Machadka Chautauqua waqtiga weerarku dhacayay.

“Rushdie waxa uu dhaawac muuqda ka soo gaaray qoorta,” ayaa lagu yiri bayan ka oso baxay booliiska.

Qoraaga waxa lagu qaaday diyaarad helikobter ah oo la geeyey isbitaal deegaanka ah. Xaaladiisa ayaanna hadda la ogeyn sida ay tahay.