Xog: Xukuumadda Oo Qorshaynaysa In Shirqoolo Dil Lugula Kaco Madaxda Xisbiyadda Mucaaradka Ah Xilliga Ay Ka Qayb-qaadanayaan Mudaharaadka

Warar xog-oggaal ah ayaa noo xaqiijiyey in qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiiradda Xukukuumadda uu wakhtigeedii sii dhammaanayo ee Madaxweyne Biixi, ay shalay kullan ku yeesheen Wasaaradadda Warfaafinta, halkaas oo ay ku kar-kariyeen shir qoolo kala duwan oo halis ah oo ay la beegsanayaan Masuuliyiinta Xisbiyadda Mucaaradka iyo Taageerayaashooda maalinta khamiista ah oo uu dalka ka bilaabmayo Mudaharaadka salmiga ahi.

Kullankan ayaa la sheegay inuu ka dhashay cabasho ay Madaxweyne Biixi iyo Taliyayaasha Ciidanka qaarkood ay ka muujiyeen warbaahinta kala duwan ee Maddaxa-bannaan iyo Baraha Bulshada, taas oo ay dhibsadeen wararka ka dhanka ah ee laggu faafinayo. Isla markaana ay garwaaqsadeen in lagaga adkaatay oo ay duufaanta mucaaradku tahay mid xoog baddan oo aan la looddin karrin dhanka warbaahinta.

Kullankan laggu malleegayey shirqooladdan iyo Wanjalkan qaaxaysan ayaa waxa ka qayb-gallay siday xoggu noo xaqiijeen Wasiirka Warfaafinta ,Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo xubno kale,waxaanay noo xaqiijiyeen goob-joogayaal ka qayb-gallay shirkaas oo ka gaabsaday in magac-yadooda la xuso in si weyn looggaga wadda haddlay sidii Mudaharaadka salmiga ah ee ay abbaabulayaan Mucaaradku loo car-qaladayn lahaa, waxaana la isla qaatay in shaqaalaha Dawladda qaarkood iyo kooxo kale laggu darro inay ka qayb-gallaan Mudaharaadka, isla markaana ay rebshado sameeyeen iyo in la sameeyo kooxo gaar ah oo duuba muuqaalada muujinaya ficilada foosha xun ee la qorsheeyey ee ay ku kacayaan kooxahaas ay Xukuumadda qorshaynayso inay ku dhex darsato dadka mudaharaadaya, kaddib-na la baahiyo oo laggu sumcad dillo  taageerayaasha Xisbiyadda mucaaradka ee Mudaharaadka salmiga ah samaynaya si bulshada looggu tuso inay yihiin dad fidmo-wadayaal ah oo ficiladaas liita ku kacaya.

Sidoo kalena goobjoogayaasha ayaa noo xaqiijiyey in kullankan ay shalay yeesheen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiiradda laggu qorsheeyey wanjalaado kale oo qaaxaysan,kuwaas ay kamid yihiin in la sameeyo dacaayaddo ka dhan ah Xisbiyadda mucaaradka oo dhinaca war-baahinta ah, isla markaana run iyo been wixii laggu kasban karo shacabka la sameeyo iyo weliba qorshe dhaggaraysan  oo ah in kooxaha ay abbaabushay Xukuumaddu inay si gaar ah u beegsadaan masuuliyiinta Mucaaradka gaar ahaana madax-da sar sare ee labada Xisbi Mucaarad iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada qaarkood .

Waxa kale oo ay xoggu sheegeen in qorshayaasha qaaxaysan ee shallay ay isla meel dhiggeen wasiiiradda idman ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay kamid yihiin in kooxaha ay abbaabushay Xukuumaddu wuu qorshahooda kale yahay inay beegsadaan Ciidanka Booliska, isla markaana ay wax-yeelleeyaan si bulshada loo tuso in mudaharaadayaashu ay yihiin qaar Booliska iyagu waxyeelay oo rebsho walayaal ah, waana wanjal qaaxaysan oo la doonnayo  in laggu beegsanayo oo wax loo dhimmo sumcadda Xisbiyadda Mucaaradka iyo taageerayaashooda-ba ,waxaana loogga dan leeyahay in kalsoonida shacab weynaha ee ay haystaan  Xisbiyadda Mucaaradku loo wiiqo.

Si kastaba ha-ahaatee Wasiir koore ayaa sida uu qorshuhu ahaa waxa uu maanta oo salaasaha uu kullan layeeshay kooxo lagga soo ururriyey wasaaraddaha, kuwaas laggu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda war-faafinta inay yihiin waax-yaha war-baahinta u qaabilsan Wasaaradda iyo Hay’addaha Dawladda,hase-yeesha xogga aanu ka helnay kullankan ayaa sheegay in la farray koox-dan maanta ama laggala hadlay laba qoddob oo uu kamid yahay inay difaacaan Xukuumadda oo ay baraha bulshada iyo boggaga wasaaradda ka difaacaan iyo qoddobka labaad oo ah mid laggaga dhaadhiciyey qorshaha qaaxaysan ee mudaharaadka mucaaradka  laggu qaabilayo,waxana xusid muddan in kooxdan looggu tallogallay inay dhanka war-baahinta qaabilsanaaddaan maalintaas

Xigasho:Wargeyska Waaberi