Xoggo ka soo kordhay Kulan la filaayey inuu dhexmaro M/weyne Muuse Biixi & Ergo Madax-dhaqameed dhexdhexaadinta waday

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ku gacansaydhay In uu la kulmo salaadiintii dhawaan sheegay in ay is-xilqaamen isla markana dhexdhexaadinayey Xukumada iyo Mucaaridka, kuwaasi oo u sabab ahaa in uu baaqdo Mudaharadkii Salmiga ahaa ee Mucaaridku tageerayaashooda ugu baaqen.
Ergada is-xilqaamay oo u badnaa Saladiin ayaa Madaxweynaha sugayey mudadii uu ku maqnaa Magaalada Ceerigaabo, waxanay Illo-xogogaal ahi sheegayaan in markii Madaxweynuhu soo noqday Ergadii uu u sheegay in aanu la kulmayn, isla markana waxa kalsooni ahi uuna siinayn si ay u dhexdhexaadiyaan isaga iyo Mucaaridka.
Mucaaridka ayaa saladiinta Kalsooni hore u siiyey in ay dhexdhexaadiyan iyaga iyo Madaxweynaha balse waxa muuqata Madama oo dhankii kale ee Madaxweynuhu ku gacansaydhay uu burburay rajadii laga qabay in gudidaasi hawshaasi gasho.
Saladiintan ayaa la filayaa in malmaha soo socda Warabaahinta ka hadlaan oo shacabka Somaliland u sheegan in Er-gadoodii uu ku gacansaydhay Madaxweynuhu.
Dhanka kale waxa iyaguna Kulamo ay iskaga dabqadayaan labada dhinac wada labada Gudoomiye Barlamaan Guurtida iyo wakiilada.
Khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka jira ayaa malinba maalinta ka danbeysa ku sii durkaya meel halis ah.