Xoggo ku saabsan Ninka toogtay Cimraan Khan “Ra’iisal-wasaarihii hore ee Pakistan”

Naveed

Naveed Axmed waxa uu ku noolaa guri ku yaalla Suhadra oo qaab muuqaalkiisu aad u liitay. Guriga ayaa marka aad eegto waxa uu u muuqdaa mid qabyo ah oo weli dhismo uu ku socdo.

Naveed waxa uu la noolaa labo wiil oo uu dhalay, hooyadii oo da’ ah iyo xaaskiisa.

Aagga uu ku noolaa ayaa warbaahinta qabsaday tan iyo markii uu toogtay Cimraan Khan iyo dad kale oo dibad baxayay. Hadda waxa uu ku jira xabsi ku yaalla Suhadra.

Suhadra waxa ay ku taallaa jiinka webiga Chenab. Waa magaalo aysan dad badan ku nooleyn, waxaana la aaminsan yahay in qoys kasta oo magaaladan ku nool uu qof u soo shaqeeya dibadda u jiro.

Wiilka curadka u ah Axmed waxa uu jiraa ilaa sannad iyo bar, halka wiilka yarna uu dhashayba 10 maalmood ka hor.

Guriga ay ku nool yihiin waa guri dhaxal ah oo ay hooyadood leedahay. Sida laga soo xigtay weriye maxalli ah oo la yirahdo Aqeel Axmed Lodhi “Ninka eedeysanaha ah guriga dhaxalka ah keligii ayaa qaatay isagoo u diiday walaalihii inay la wadaagaan.”

Naveed Axmed aabihii Muxammad Bashiir waxa uu geeriyooday 15 sannadood ka hor.

Naveed Axmed waxa uu Sacuudiga ka soo shaqeynayay muddo afar sano iyo bar ah waxa uuna dalka ku soo laabtay dhowr bilood ka hor.

Sida laga soo xigtay Cabdullaahi oo daris la ah Naveed: “Ku dhowaad 5 sano ayuu shaqo adag ka soo shaqeeynayay Sacuudiga. Markii uu soo laabtayna shaqo toos ah ma uusan hayn.”

Cadulaahi ayaa sheegay in Naveed uu yahay Muslim Suni ah. Waxaa mararka qaar uu ku tukan jiray masaajidka.

Mid ka mid ah baabuurtii kolonyada ee Cimran Khan

Hase yeeshee, Khalid Majeed oo ka mid ah dadka deegaanka Suhadra ayaa sheegay in Naveed qoyskiisa aysan ahayn qoys diinta ku fiiican. “Waligay ma arkin isagoo si toos ah salaadda u tukanaya,” ayuu yiri.

Khaalid ayaa sidoo kale sheegay in markii uu maqlay inuu rasaas ku furay Cimraan Khan uu aad u naxay sababtoo ah waxa uu yiri: “Xitaa uma uusan muuqan qof weligii qof kale dharbaaxay.”

Muhammad Ashraf, oo isna deris la ah Naveed ayaa sheegay in uusan arkin isagoo qof la dagaalaya.

Khaalid ayaa sidoo kale sheegay inuu ahaa qof mar kasta aamusan oo afgaaban.

Dhanka kale Babar Xusseen oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in uusan ogeyn inuu wax xiriir ah la leeyahay xisbi siyaasadeed ama diimeed. “Waxa uu ahaa nin iska caadi ah, asalaamu caleynkum isuma dhaafi jirin.”

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in maalmihii ugu dambeeyay xitaa aysan ka dareemin wax isbaddal ah ama shaki la xiriira inuu qaado weerar noocaas ah.

Toogashadan oo uu dhaawac kasoo gaaray Khan ayuu ku dhintay hal qof. Waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 14 ka mid ah shaqaalaha xisbiga Imran ee Tehrik Insaf.

Imran Khan ayaa la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lahore, waxaana lagu sameeyay qalliin lagaga soo saaray xabbaddii lugta kaga dhacday.

 Maxaa dhacay Khamiistii?

Isu soo bixii xisbiga Imran Khan oo ka soo billowday Lahore kuna socday Islamabad ayaa gaaray Gujranwala oo ka tirsan gobolka Punjab. Kumannaan qof ayaa la socday kolonyadan.

Imran Khan ayaa saarnaa gaari korka ka banaan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga.

Ka dibna qof ayaa bilaabay inuu rasaas furo. Markii dambe waa laga itaal roonaaday ninkii weerarka geystay, waxaana ku dhawaacmay 14 qof ayaa ku dhaawacmay, hal qofna waa uu ku naf waayey.

Taas waxaa barbar socday, Imran Khan ayaa sidoo kale lugta laga toogtay.

Imran Khan ayaa isla markiiba la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lohar, halkaasoo lagu sameeyay qalliin xalay xilli dambe, waxaana hadda la sheegay inuusan dhaawaciisa halis ahayn.