Writen by Qaran News |

Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Maxamed Cabdullaahi Uurcadde oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha kala duwan ee Xisbigaasi gudo iyo dibad ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaan xoghayaha xidhiidhka wadamada carabka iyo dalalka Islaamka ah ee Xisbiga WADDANI Ambassador Safiina isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Adeerkii Xaaji Yuusuf Dagaal Xirsi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Md.Maxamed Cabdullaahi Uurcadde, waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na u sama-fali jiray dadka danyarta ah isaga oo sida oo kale na xusay in uu ahaa dadkii ka soo qeyb-qaatay nabadda iyo horumarka Somaliland.
Ugu dambeyntii, Md.Uurcadde, waxa uu Alle uga baryeyaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu naxariistiisii jannatul Fardowsa uu Eebe ka waraabiyo, ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN

Waaxda Warfaafinta WADDANI
Hargeysa,Somaliland