Maxaad kala socotaa shanta qoddob ee ugu waa weyn shirqooladda wanjalka qaaxaysan ee ay xukuumaddu ku doonnayso inay ku banjariso mudaharaadka bad-baado Qaran?

Iyadoo la filayo inay maalinta berri ah ay dalka ka bilaabmaan mudaharaadda’da bad-baado Qaran,kaas oo dhammaan Gobollada iyo degmooyinka dalka ka dhacaya, ayaa waxa la sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay diyaarisay wanjal qaaxaysan oo ay ku wiiqayso mudaharaadkaa salmiga ah, waxaanay isku dayeysaa inay banjariso mudaharaadka oo aanu sii socon maal-maha soo socda.

Haddaba Wasaaradda war-faafinta ayaa abbaabushay shaqaalaha Wasaaradda iyo kooxo kale,waxaana la sheegay in agaasimaha guud ee wasaaraddu uu maanta dhammaan la xidhiidha isuduwayaasha wasaaradda ee Gobollada dalka, kuwaas oo la sheegay inuu ku war-geliyey qorshaha qaaxaysan ee laggu qaabilayo mudaharaadka ay mucaaradku dhiggayaan,isagoo u sheegay inay la kulmaan badhasaabada iyo Taliye qaybeed-yadda Gobollada si ay isku sii bartaan oo aan hadhow loo mooddin war-baahinta kale, isla markaana loo car-qaladayn, maddaama oo ay Badhasaabada iyo taliye qaybeed-yadda Goboladda ay yihiin haggayaasha hawlahan shirqooladda qaaxaysan loo igmaday inay fulliyaan,waxaanay kale yihiin shirqooladda qaaxaysan sidan:
1.Xukuumaddu inay ku dhex darsato dadka mudaharaadaya kooxo rebesh sameeya

2.In kooxaha Xukuumaddu ay dhibaateeyaan ciidanka booliska
3.In muuqaalada ficiladaas ay duubaan war-baahinta Dawladda iyo shaqsiyaad kale ee loo xil saaray
4.In kooxaha Xukuumaddu ay beegsadeen madax-da mucaaradka
5.Xukuumaddu inay ku dhex-darsato dadka mudaharaadaya dad shicib ah oo hubaysan
6.si bulshada looggu tusiyo inay mucaaradku yihiin dad ciidan beeleed wata oo hubaysan

Dhanka kalene waxa la sheegay in kooxaha muuqaal duubayaasha ka tirsan wasaaradda iyo shaqsiyaadka ee loo diyaariyey in kaliya loo igmaday inay soo duubaan muqaaladda iyo ficiladda ay samaynayaa kooxo rebesh walayaal ah oo ay Xukuumaddu shidaalisay, kuwaas oo ay qorshaysay inay ku dhex darsato dadka mudaharaadaya

Isku soo wadda xoorrriyoo Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa diyaarsatay qorshayaal kale duwan oo qaaxaysan,kuwaas oo ay ku beegsanayso masuuliyiinta Xisbiyadda Mucaaradka iyo taageerayaashooda ,waxaanay isku dayeysaa inay banjariso mudaharaadka bad-baado Qaran ee berri dalka ka istaadhmaya.