Writen by Qaran News |

Goob kasta oo aan safar ku tago waxaa dhaqankayga ah in aan ka sameeyo qoraal aan bulshada ugu soo gudbinaayo xaalada iyo wacyiga guud ee goobtaas. Sidii ii caada ahayd, waxaan qoraalkan ku soo gudbinayaa xogo ishaydu ka soo qaaday iyo macluumaad ku saabsan kobta aan warkeeda idin siin doono. Bilawgii bishii Juun ee galbatay waxaan socdaal aan qorshaynayn oo degdega ugu baxay dawlad degaanka Somaali Itoobiya.

Waxaan qoraalkan ku soo gudbin doonaa Xuduudka aadka u dheer ee u dhexeeya dawlad deegaanka Soomali Itoobiya iyo Somaliland gaar ahaan min Daba-gorayaale ilaa Xaaji Saalax; Dhaqaale ma ka soo xaroodaa? Yaa adeegsada dhaqaalahaas? Deegaanka wax ma ka ga soo noqdaan?.

Ugu horrayn, magaalooyinka Daba-gorayaale, Lebi-sagaala, Khaatumo, Mullaaxo iyo Xaaji Saalax, waa magaalooyin furan, waxaa wadanka ka soo gala tobanaan baabuur ah oo ka soo maleegtay dawlad deegaanka somali itoobiya, kuwaas oo dhammaantood sida Xoolo nool. Waxay adhiga ka soo daabulaan dhammaan tuulooyinka hoosyimaada Degmooyinka Gaashaamo iyo Darroor. Sidoo kale, waxay soo qaadaan adhiga Ogaadeenka laga keeno sida Wardheer iyo walwaal. Dhammaan adhigaas waxaa la geeyaa sayladaha Burco iyo Hargeisa. Waddo kasta oo marta magaalooyinkaas, waa wado furan. Qiyaas ahaan, haddiiba shantaas magaalo Maalinkii uu ka soo geli lahaa laba gaadhi oo midkiiba uu saaranyahay 100 neef oo keliya celcelis ahaan( Baabuurta adhiga qaadaa nooc walba way leeyihiin waxaa ugu badan candha-maydlaha qaada 250 neef kana yimaada dhulka ogaadeenka). Waa marka aynu qaadano adhiga u tirada yar. Wadar ahaan shantaas magaalo ee leh wadada furan, waxaa ka soo gelaaya adhi dhan 1000(kun) neef. Haddiiba neefkasta laga qaado cashuur dhan $3 dollar oo keliya illeen waa maciishad xuduud ka soo gudbaysee, waxa ay soo fadhiisanaysaa $ 3×1000 neef= $ 3000. Ugu yaraan Maalinkasta waxaa shantaas magaalo ka soo xaroonaya cashuur ka badan 3000 oo dollar. Hadaba wadar ahaan, sanadkii waxa soo xaroonaya $ ugu yaraan 1,100,000(Hal milyan iyo boqol kun oo doolar), taas oo deegaanka iyo dalkaba macno ugu fadhiyi lahayd. Nasiib darrose, xuduudka intaas le’eg ma jirto hal magaalo xoolaha ka soo galo lagu cashuuro, indhahaygu waxay qabteen askarigii Somaliland u joogay Xuduudka Raadab-khaatumo oo darawalka Shaxaadaya halkii uu cashuurta dawlada ka qaadi lahaa, manaan arag shakhsi ka socda wasaaradda maaliyadda iyo Kaantaroolka dawlad deegaanka Itoobiya oo na haystay in ka badan hal saac si uu adhiga baabuurka saaran u tirsado, isla meeshaas waxay indhahaygu qabteen askarigii kaantaroolka taagnaa oo inta uu darawalkii la fadhiistay bar cidlo ah ku la xisaabtamaya, nasiib darrose, anigu ma caddayn karo xaddiga lacaga ee uu ka qaatay cashuurta adhiga ka baxaaya wadanka. Hadaba, wadooyinka sidan u furan xoolaha ka soo gala halkaa lagu cashuuraa? Cashuurtooda halkaa lagu cunaa? Deegaanka wax ma ka ga soo noqdaan?

Cashuurta intaas le-eg ma jirto xarun dawladeed oo aruurisaa, mana jirto cid gaara oo u xilsaaran oo adhiga halkaas ku cashuurtaa. Adhigaas toos buu u galaa sayladaha Hargeisa iyo Burco iyadoon wax madax taabasho ah lagu samayn si loo cashuuro. Intay ishaydu qabatayna askarta jooga xuduudaha shantaas magaalo waxay qaabilsanyihiin uun amniga badanka waxay hubiyaan dadka saaran iyo waxa uu baabuurku sido. Baabuurka adhiga siday waxa uu toos noo keenay sayladda Bargeisa.

Halkaas waxaa ka dhalatay in Xaqqii deegaankaasi lahaa loo weeciyo deegaano kale oo ay manaafacaadsadaan, waxaa la waayey hanti deegaankaasi lahaa oo lagu masruufo laguna naas muujiyo magaalooyinka Berbera oo lagu cashuuro adhiga Burco iyo Hargeisa oo lagu cashuuro adhiga ka soo gudba xuduudka Koonfureed. Sababtaasna deegaankaasi waxa uu noqday deegaan ka arradan horumar dhaqaale, waxbarasho, caafimaad iyo adeega dawladeed ee kale. Gobolka oodweyne oo ah ay hoosimaadaan magaalooyinka Mullaaxo, khaatumo iyo Xaaji Saalax, waxa uu ka heli lahaa dhaqaale wanaagsan kaas oo deegaan ahaan wax loogu qaban lahaa. Halka Gebilay ay dhaqaalaha ugu badan ka hesho cashuurto ka soo xaroota Kale-baydh iyo Wajaale.

Ugu danabyn, dhammaan goobaha dhaqaale ee wadanka waxaa u diiwaangashan uun Wajaale iyo Berbera. Dhammaan dhulkaas aan kor ku xusay waa deegaan dayacan iyo dhaqaalahiisa iyo dheecaankiisa cashuureed ee ka soo xaroota waa cashuur aan deegaankooda u tirsanayn kuna dhacda khasnada dawladda ee magaalooyinka Berbera iyo Hargeisa, halka Cashuurta Wajaale ka soo xaroota badhkooda la siiyo Degmada Gebilay. Halkaasna waxaa kaaga muuqda sida arxan darrada ah ee deegaanada qaar hantidooda loo boobayo, deegaanada kalena xaqqooda la siinayo, waana sababta Gebilay uga hormartay deegaanada kale.

Sadam Osman Kaabash
Hageisa, somaliland