Afar xubnood oo ka mid ah gudiga ololaha doorashooyinka ee gobolka Maroodijeex ayaa xilkii loo magacaabay iska casilay 12 saacadood gudahood.
Waxana la filayaa in ay badankoodu xilkaasi iska wada casilaan.
Xubnahani is casilay wali warbaahinta lamay ay hadlin hase ahaatee wararku waxa ay sheegayaan in ay arkeen in xisbiga Kulmiye ay ku soo waajahantahay guuldaradii ugu balaadhnayd ee abid soo food saarta xisbiyada Somaliland.
Wararkale ayaa sheegaaya in xubnaha hadhay ee aan wali is casilini ay ka xanaaqsanyihiin ninka gudoomiyaha looga dhigay Mr Mustafe Qodax oo masuul ka soo noqday xukuumadda Muqdisho isla wakhtigana aaminsan mabda Somaliweyn ilaa hadana aaminsan oo aan sinaba loo aamini karin.
Xubnahani gudiga doorashada ee gobolka Maroodijeex ee xisbiga Kulmiye ayaa lagu wadaa in ay dhamaantood is casilaa.
Afartan xubnood ee hoos yaalaa waa xubnaha xalay nuskii danbe is casilay markii ay arkeen ninkani Xamar tagay ee hadana soo laabtay oo aan aaminsanayn qadoyada Somaliland
Halkan ka daawo waxa ay iska casileen iyo xaqiiqda