Writen by Qaran News |

Xukumada Kulmiye oo Jeelka sii deysay….

Hargeisa-(Qaran-news)-Xukumada Siilanyo ayaa xabsiga ka sii deysay Ex-wasiir Maxamed Yaasiin & Xildhibaan Timocade oo shalay laga qabtay Hargeisa.

Maxamed Yaasiin ayaa shalay subaxdii hore Ciidamo hubaysani  kala degeen Diyaarad ka duulaysay Madaarka Hargeisa,Isagoo sida Xoggo Warfidiyeenka Qarranews helay tibaaxeen inuu ku sii jeeday Dalka UK oo uu degan yahay,Halka Xildhibaan Timocadena laga qabtay Magaalada hargeysa Gudaheeda.

Labadan Sarkaal ayaa la sheegay inaan wax denbi ah lagu helin hase yeeshee ujeedadu ahayd Boorsamiinto (in la tuso in xoriyada laga qaadi karo ama la xidhi karo iyagaan wax denbi ah gelin).

Qarannews