Xukumada Muuse Biixi ayaa dalka Itoobiya u dirtay 8 xubnood oo ka mid ahaa madax dhaqameedkii hore Xukumada Somaliland ugu dirtay Magaalada Caynaba  ee muddo Halkaa fadhiyey Balse ku hungoobay inay la kulmaan Isimada Beelaha Dhulbahante.
xubnahan Madax-dhaqameedka ka tegay Hargeysa ayaa la filaayaa inay Adis-ababa kula kulmaan isimada Beelaha Dhulbahante Qaarkood.
Dhinaca kalena Madaxweyne Muuse Biixi ayaa qasriga Madaxtooyada Kulan kula yeeshay Madaxdhaqameedkaa uu u igmaday unay u anbabaxaan Adis-ababa.