Xukuumada Somaliland ayaa ku tilmaamtay dad qaxoonti ah oo si ku meel gaadh ah loo dejiyay dhulka ay u qorshaysay Aaga Warshadaha oo sheegtay inay dawladu leedahay.
Afhayeen u hadlay wasaarada Hawlaha guud ayaa sheegay inaan dhag jalaq loo siinayn dadka sheegay inay dhulka leeyihiin oo dhulkaas bilaash lagu siin doono dadka Warshadaha dhisanaya.
Sidoo kale waxay ku tilmaamtay Xildhibaan Yaasin Cumar Yare oo u hadlay dadka dhulkaas laga qaadayo Xubin si taburuc ah u shaqaysa oo keliya cida awooda Fulinta Golaha deeganka lahi ay tahay Maayirka, ku-xigeenkiisa iyo xoghayaha dawlada hoose.
May be an image of 1 person