Writen by Qaran News |

Xukumadda Xaraf Iyo Siyaasadda Jidhka-Is-gali. WQ Axmed-xiis Dharbaan

Erey-bixintu waa udub dhaxaadka fahanka.  Xukumadda Muuse uguma yeedhi karno Kulmiye waayo, xisbigii kama muuqdo talada; uguma yeedhi karno Jeegaan waayo, jeegaantu uma dhamma taladda.  Aynu ugu yeedhno Xaraf, magacaa ayaa urusanaya madaxtooyada ardaagu isku urursatay; ururada dahsoon ee haybta la wadaaga Muuse iyo hab-raaca maamul ee xukumadda Muuse.

Xukumadda xaraf, waxa ay keentay siyaasad la yidhaa ‘JIDHKA IS GALI’.  Jidhka-is-gali waxa ay ka dambaysay siyaasado hore oo lakala odhan jiray KU-JIQSII iyo INDHAHA-KA-QARSO.  Ku-Jiqsii waxa isticmaali jiray Kulmiyihii Siilaayo, waagii uu mucaradka ahaa.  Indhaha-Ka-Qarso waxa iyadana isticmaalay maamulkii Siilaayo, maalmihii uu xukunka hayey.

Jidhka-Isgali ma aha aragti ugub ah, aragtidan jidhka is gali waxa hellay bilawgii cullimada Anthropology-ga, mar labaadna waxa fahmay Nobert Elias.  Elias dhiganihiisa ‘The Civilizing Process’  jidhka is gali waxa uu ku macneeyey:  Laba bulsho oo kala duwan, marka ay darsamaan – dawlad oo kale – mid ayaa ka tanaasula qiyamkii nololeed ee uu amminsanaa. Sida muuqata HJ iyo HA markii ay midoobeen waxa tanaasulay HJ oo jidhka is galisay.

Jidhka-Is-Gali, waxa si wacan daboolka uga qaaday quwada sadexaad ee Psychology-ga – Humanism – Jidhka is gali luuqada ‘English’ta waxa ay noqonaysaa ‘submissive’ dadka qaarna waxa ay dhahaan ‘nonassertive’.  Waa dhaqan/dabeecad uu qofku ama ummaddu qaadato marka ay ka tanaasusho waxa ay xaqa u leeyihin.

Qofka insaanka waxa uu leeyahay xudduud – Physically, Psychologically, Emotionally and Values –  xududahaa qofku marka uu quwiga yahay wuu difaacdaa, isaga oo aan xadgudub ku samaynayn dadka kale hayeeshee, xuquuqdaa wuu lumiyaa qofku marka uu diciifo.

W.H. Auden gabyaa la odhan jiray ayaa ku qeexay masafadiisa sidan:

Some thirty inches from my nose

The frontier of my personal goes …..

Caadiyan waxa jira dad dhaqankaa liidnimada ah qaayiba.  Waxa ay dhahaan dadkaasi: “Waa iska caadi”, “Adigu dooro Aniga waa isugu kay mid”.  Dadka dhaqankan wata waxa ay jecel yihiin in loogu yeedhi ‘hebel waa qof wacan’ waxa ay qariyeen dareenkooda, waxa ay raalli galiyaan dadka kale.  Akhirkana dadkani waxa ay ku dambeeyaan nolol madhan.

Albert Scheflen iyo Norman Ashcroft dhiganhooda ‘Human territories’ waxa ay leeyihiin qofku in uu sheegto baahidiisa amaba uu difaacdo xadkiisu waa awood lagu dhasho mararka qaarna dhaqanka ayaa sababa.   Theodore White ayaa isna ogaaday in xadka madaxdu uu ka balaadhan yahay kan qofka shacabka ah. JFK ayuu usoo qadanaya tusaale oo uu leeyahay xoogaa wuu iska barbarin jiray dadka si aanu ugu milmin bulshada caadiga ah.

Jidhka is gali, waxa hadda faafiya Xukumadda Xaraf oo dadka ku dhiirigalinaysa in aysan ka hadal dareenkooda, haddii ay ka hadlaana waxa ay ku handadaan, “waanu iddin xidhaynaa”! Taasina waxa ay keenaysaa natiijadda laga dhaxlo jidhka-isgali oo ah ‘Volcanic Eruption’.  Dadka laguma maamulo jidhka is gali, mana aha siyaasad waxtar u leh kuwa wax maamulaya iyo kuwa maamulayaba.

Xukumadda Xaraf caqabadaha haysta waxa ka mida jahli xadhka goostay!  Makala saari karaan ‘good and right’.  Inbadan baad arkaysaa iyaga oo leh, sharciga ayaa sidaa leh iyo sharciga ayaa ii diidaya bale, waxa aysan garanayn sharcigu ‘law or legal’ in uu ka sareeyo ‘Goodness’.  Waxa iskaga qasan sadex shay oo lagu barto  Fiqiga – Jurisprudence – oo la kala yidhaa – Legal, Ethics and Morality.  Xaraf waxa ay dooratay in ay martabada dalka laga maamulo gayso dhaliinyaro macaashdoon ah, cilmiga ay barteena yahay sida faqriga looga cararo balse, aan aqoon durugsan u lahayn sida insaanka loogu kala xaqsoore.

 

Jidhka-is-gali waxa liddi ku ah ‘Adyad’ – Aggressive.  Aggressive waxa ay Soomaalidu macnaystay qaybta Adyadda.  Kalmada xididkeeda oo ah ‘Aggredi, latin’  macna-ahaan waa: raadso/doono.

Muuse ayaa kursiga ku koray adyad uu dheera ragii ay isku hirdiyeen Kulmiye gudihiisa.  Adyaddu waa ay ka wanaagsan tahay Jidhka-is-gali balse, iyadda lafteedu waxa ay abuurtaa bulsho isu wada tahaysa, caddaawad iyo in kii adyadda guushu ku raacday uu akhirka noqdo qof cabsi la nool oo aan haysan rafiiq.

Labada jiho waxa u dhexeeya ‘Assertive’.  Assertive waa dhaqanka ugu wnaagsan walow dad badani ku arkayaan qof dantiisa wajiga kusoo qortay hadana, in uu qofku sheego waxa uu doonayo/diidan-yahay waxa ay abuurtaa nabad.

Axmed-xiis Dharbaan

dharbaan01@gmail.com