
Xukuumada Jamhuuriyadda #SOMALILAND ayaa wakhti hore hirgalisay Nidaamka ECTN (Electronic cargo tracking note) oo beryahanba nidaamkaasi wuu shaqaynayey.
Nidaamkan ECTN ayaa ah nidaam casri oo lagu ogaanayo xogta badeecada kusoo waajahan dekeda caalamiga ah ee berbera ka hor intaanay dekeda soo gaadhin.
Maraakiibta iyo doonyaha kusoo wajahan dekeda berbera ee badeecadaha u sida ayay khasab tahay inay raacaan nidaamkan casriga ah oo soo gudbiyaan badeecadaha ay sidaan noocyadooda, iyo xadigooda.
Hadaba Hadii aanay haysan shahaadada ECTN soo dejiyayaasha iyo dhoofiyeyaashu waxay wajahayaan ganaaxyo culus iyo ciqaabo sharci.
Ujeedada nidaamka ECTN ee Dekeda caalamiga ah ee Berbera
●In la kordhiyo hufnaanta xogta ganacsiga.
●In la suggo ururinta dakhliga qaranka.
●In la yareeyo khiyaamada kastamka iyo ganacsiga sharci drrada ah.
●In la hagaajiyo nidaamyada dekeda iyo maareynta rarniinka.
Faa’iidooyinka Hirgelinta nidaamka casriga ah ee ECTN-:
☆Aragti degdeg ah oo waqtiga dhabta ah ee rarniinka oo ay arkaan kastamka, dekedaha, iyo soo dejiyeyaashu.
☆Dedejin nadaamyo fasax, iyo yareynta cidhiidhiga dekeda.
☆Hagaajinta iyo u hoggaansanaanta heerarka caalamiga ee maraakiibta.
☆Tirakoob ganacsi oo sax ah iyo saadaalin hufan.
☆Kordhinta dakhliga dowlada iyada oo loo marayo bayaanada saxda ah.
Suldaan Yoonis






